Waa Maxay Sababta Abhishak Bachchan Uu Ugu Baxay Ronnie Screwvala Filimkiisa Xiga

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Waxaa hori idinla wadaagnay in Abhishek Bachchan u saxiixday filimka Paltan kana mid ah hogaamiyaasha filimka weerarka ah J P Dutta director-ka ka yahay ee Paltan oo looga hadli doona ciidamada u dagaalamay wadanka Hindiya dagaalka dhax maray china iyo hindiya 1962.

Abhishak Bachchan hori waxaa u diyaarsanaa 4 filim ka dib wuxuu saxiixday filimka Paltan laakiin hada waxaa la shaaciyay in Abhishek uu isaga baxay filimka Ronnie Screwvala qarash gareeyaha ka ahaa kulana wehlinaayay Irrfan Khan.

Filimkaan ku saabsana sheeko safar ah waxaa hori lawada ogaa in Junior B Iyo Irrfan wada kulmeen ka wadana hadleen mashruucaan laakiin abhishek ayaa mashruucaan ugu baxay si uu waqti ugu heli filimka Paltan.

WARAR DHEERAAD AH:

Sida la sheegaayo Irrfan Khan ayaa filimkaan duubis ku bilaabi doona sanadke danbe marka uu soo gaba gabeeyo filimka Hollywood-ka ee uu saxiixday  hadaba mashruucaan ayaa dib u dhac ku imaaday halka Abhishek ka shaqo bilaabi doono filimka Paltan.

Waxaana la hadal heeya in Abhishek doorkiisa lagu badali doono Ayushmann Khurrana laakiin sheekada filimkaan ayaana wili la dhaeestirin waxaana filimka director ka noqan doono Akarsh Khurana halka sheekada filimka uu diyaarinaayo Hussain Dalal.

Dhinaca kale Abhishek Bachchan wuxuu goor dhow bilaabi doona duubista Ram Gopal Varma filimkiisa xiga ee Sanak.

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video