YAY! Salman Khan Oo Kusoo Biiri Doono Shah Rukh Khan Filimkiisa Xiga Ee Dwarf

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Waxaana wada ognahay in Super Star Shah Rukh Khan door kooban ku lahaa filimka Tubelight wuxuuna ku matalaayay qof awood siinaayo Salman khan kaaso lagu magacaabo Gogo Pasha.

Doorka Srk ee Tubeligh waxaa usoo bandhigay Salman Khan kamana diidin haddaba waxaana idin heynaa war farxad taageerayaasha Srk Iyo Sallu Bhai.

WARAR DHEERAAD AH:

Warbaxinta maanta la hadal haayo ayaa ah in Srk filimkiisa xiga jilaa weyn door muhiim ah laga siin doono Srk ayaana warbaxintaan u xaqiijiyay DNA asigoo sheegay in doorkaas uu sameyn doono Salman Khan mana doonaayo inuu jilaa kale sameeyo waxaana u diyaarinaynaa door weyn.

Srk ayaa sheegay in goor dhow uu Salman khan la hadli doono si uu u sameeyo doorkaan waxaana la rajaynaaya in Salman uu sameyn doono doorkaas maadaama labada saaxiib aan isku fahamsan yihiin markaan waa Salman markiisa inuu door muhiim ah ku lahaado filimka Srk cilan ku matalaayo director ka ah Aanand L Rai.

Isku diyaari in aan mar kale Srk iyo Sall Bhai aad hal filim kuwada aragto waxaana filimkaan weyn ee sanadka soo socdo la daawan doono atariisho ka ah Katrina Kaif Iyo Anushka Sharma.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video