BREAKING: Siddharth Roy Kapur Oo Seddax Filim Magacaabay Mid Ka Mid Ah Waxaa Sameyn Doono Aamir Khan

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">
WARAR DHEERAAD AH:
Siddharth Roy Kapur wuxu ka mid ahaa madaxda shirkada UTV Motion Pictures, laakiin wuxuu sameystay shirkad cusub oo lagu magacaabo Roy Kapur Films.
Sidaa daraadeed Siddharth Roy Kapur wuxuu shirkadiisa cusub u magacaabay inay maal gilin doonto seddax filim
oo mid ka mid ah sameyn doono Mr. Perfectionist Aamir Khan oo isla shaqeeyeen filimka Dangal waxayna filim ka sameyn doonan nolasha Rakesh Sharma waxaana director ka noqan doona Mahesh Mathai waxaana shaqadiisa la bilaabi doona bilawga 2018.
Filimka labaad ee Siddharth shirkadiisa maal gilin doonto waa filim kale oo looga hadlaayo qof nolashiisa oo lagu magacaabo Vijendra Singh oo ahaa nin waayay xaaskiisa Leela ka dib daadkii Uttarakhand oo dad badan ku dhinteen.
Vijendra ayaana xaaskiisa Leela helaayo 19 bil ka dib wuxuuna ka raadinaaya 1000 xaafadood Siddharth Roy Kapur ayaana soo iibsaday xaquuqda sheekadaas, maadaama Vijendra marna aan ku xuusan raadinta xaaskiisa maadaama qof walbo oo meeshaas lagu waaya laga quustay waxaana xiiso lagu tilmaamay in qisadaan filim ahaan loo sameyn doono.
Filimka seddaxaad Siddharth maal gilin doono waa filim sheekadiisa laga soo min guuriyay buug oo ka bilaabmaayowiil dhalinyaro oo lagu magacaabo Varun Agarwal oo ganacsi yar ka dib gacan saar la yeelan doono hay’addaha waxbarashada guud ee Hindiya waxaana director ka noqan doon Nitesh Tiwari oo sameeyay filimka Dangal.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video