Rasmi: Filimka Tubelight Iyo Lacagaha Uu Kasoo Xareeyay Gudaha Hindiya Iyo Daafaha Caalamka Iyo kaalinta Uu kaga Jiro Filimada Sanadkaan La Daawaday

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Mega Star Salman Khan filimkiisa Tubelight oo gudaha Hindiya ka sameynaayo ganacsi bur bur ku dheehan si la mid ah daafaha caalamka wuxuu ka sameynaayo ganacsi liita.

Haddaba shabakada Boxoffice India ayaa si rasmi u xaqiijisay in filimka Tubelight isbuuca kooowaad gudaha hindiya iyo daafaha caalamka uu kasoo xareeyay 182 crore.

Wuxuuna kaalinta seddaxaada ka galay filimada lacagaha ugu badan sanadkaan soo xareeyeen waxaana ka horeeyo filimada Raees Iyo Bahubali 2 qeybtiisa af hindiga lagu daawaday halka Salman Khan filimadiisa uu ka galay kaalinta 6-aad .

Tubelight wuxuu 143 crore kasoo xareeyay dhamaan gudaha hindiya halka daafaha caalamka uu kasoo xareeyay 39 Crore $6 Million waana filimka hakiyay iskoorka Salman Khan maadaama uu sameeyay 5 filim oo xiriiri ah oo isbuuca koowaad soo xareeyeen 200 Crore.

Fadlan hoos kaga bogo filimada gudaha hindiya iyo daafaha caalamka lacagaha ugu badan soo xareeyeen ee af hindiga lagu daawaday (All collections for Hindi language only)

1. Bahubali: The Conclusion – 389 crore

2. Raees – 203 crore

WARAR DHEERAAD AH:

3. Tubelight – 182 crore apprx

4. Jolly LLB 2 – 123 crore

5. Badrinath Ki Dulhania – 122 crore

6. Kaabil – 102 crore

7. Half Girlfriend – 71 crore

8. Sachin – A Billion Dreams – 56 crore

9. Naam Shabana – 42 crore

10. Phillauri – 39 crore

Fikradaha Akhristayaasha (2)

  1. Ahmed Akhyaar says:

    Gudaha hinidya isbuuci kowaad maanu ka soo xarayn 103 crore hlkay ka timid 143 crore ? thhnkz zhp

  2. yarka Raapka says:

    Ahmed sxpoh
    gudaha hindiya wxa uu ka zoo xareeyey
    143 crore…..
    halka uu daafaha caalamkana ka soo xareeeyey
    39 crore..
    isku darna waa
    182 crore
    thanks




Featured Video