Maxaa Diiday In Akshay Kumar Iyo Bhumi Pednekar So Wadajir Xayaysiin Ugu Sameeyaan Filimkooda Toilet Ek Prem Katha

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Super Star Akshay Kumar sanadkaan gaar ahaan 11 August waxaa u diyaarsan filimka Toilet Ek Prem Katha ee kula wehliso Bhumi Pednekar ayaa la sheegay in si wadajir ah xayaysiin ugu sameyn dooni filimkooda TEPK.

Sababta ugu weyn ayaa ah in labadaan jilaa si wadajir ah xayaysiin ugu sameyn doonin filimkooda Toilet Ek Prem Katha, Akshay Kumar ayaa bilaabi doona duubista filimka Reema Kagti ee Gold.

WARAR DHEERAAD AH:

Akki ayaa u amba baxay London asigoo isku diyaarinaayo filimka Gold oo goor dhow duubis lagu bilaabi doono waxaana la sheegay in Akshay kumar Iyo Bhumi Pednekar si wadajir ah xayaysiin ugu sameyn doonin filimkooda laguma darin hadii fursad kale ay helaan.

Filimka Toilet Ek Prem Katha wuxuu ku saabsan yahay wacyi galinta bulsho weynta Hindiya inay nadaafada ku dadaalaan sidoo kalena xooga la siiyo si loo helo musqulo nadiif ah iyo meel walbo oo musqulo la’aan ka jirto musqulo loo yeelo.

Filimka Toilet Ek Prem Katha oo la daawan doono 11 August 2017 wuxuu isbuuc ka danbeeya filimka Jab Harry Met Sejal oo la daawan doono 4 August 2017.

Fikradaha Akhristayaasha (3)

  1. Ahmed Yoolah says:

    Waxuu isbuuc ka dbeeya dheh sxb mase xisaabta dib u aqri hadan qaldanahay iga raali ahaw

  2. Ahmed Yoolah says:

    Waxuu isbuuc ka dambeeya dheh sxb srk waa 4 bisha asagana waa 11 bisha marka yaa dambeeya




Featured Video