Parineeti Chopra Oo Ka Hadashay In Filimkeeda Xiga La Sameyn Doonto Akshay Kumar Iyo Hrithik Roshan

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Bollywood actress Parineeti Chopra oo aan in mudo ah sameynin wax filim waxay sanadkaan kusoo laabatay filimka Meri Pyaari Bindu oo kula wehlinaayay Ayushmann Khuran laakiin filimka Meri Pyaari Bindu wuu guul daraystay.

Sidaa daraadeed Parineeti Chopra oo saxiixatay filim sameeye Vikas Bahl Bahl filimkisa xiga ayaa la hadal heeyay ka dib filimka Vikas bahl in ay filimkeeda xiga la sameyn doonto labada Super Star ee Akshay Kumar iyo Hrithik Roshan.

WARAR DHEERAAD AH:

Parineeti ayaa sheegtay in ay la socotay wararka xanta ah ee saxaafada hadal heysay waxayna cadaysay in aysan filima la sameyn doonin Akshay Kumar iyo Hrithik Roshan waxay kaloo sii sheegtay in hada filimka kalii ay ku mashquulsan tahay inuu yahay Golmaal 4.

Dhinaca kale filimka Golmaal 4 oo hogaamiye ka yahay Ajay devgn waxaa daafaha caalamka laga daawan doona Diwali sanadkaan.

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video