Rasmi: Xiliga La Daawan Doono Goos Gooska Kooban Ee Filimka Jai Lava Kusa Oo Shaaca Laga Qaaday

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Jilaaga awooda badan ee reer koonfur Hindiya gaar ahaan shirkada Telugu Ee Young Tiger Jra Ntr yaa shaaca laga qaaday xiliga la daawan doon goos gooska kooban ee filimkiisa Jai Lava Kusa.

Jr Ntr waa jilaa waqti xaadirkaan si weyn loo wada sugaayo wuxuuna ku jiraa waqtigiisa ugu wanaagsaan maadaam seddaxdiisa filim ee Nannuk Prematho, Temper Iyo Janatha GarageĀ  guulo weyn wada gaareen.

WARAR DHEERAAD AH:

Sidoo kale Jr Ntr oo sanadkaan abaal marinada Telugu aruursanaaya ayaa abaal marintiisa ugu danbeeyay wuxuu ahaa SIIMA Award 2017 oo uu ku qaatay atooraha ugu wanaagsan shirkada Telugu.

Sidaa daraadeed waxaa si weyn loo wada sugaaya Jr Ntr filimkiisa xiga ee Jai Lava Kusa oo si rasmi loo sheegay in goos gooskiisa kooban la daawan doono 6 July oo ku beegan maalinta Khamiista.

Jr Ntr filimka Jai Lava Kusa waxa uu ku jili doona seddax wiji oo kala duwan waana markiisa ugu horeysay wuxuuna filimkaan uu jaceyl la wadaagi doona Raashi Khanna Iyo Nivedha Thomas waxaana director ka ah Bobby

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video