Filimka Mega Star Salman Ee Tubelight Sidee Ayuu Ku Badbaadi Karaa

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Bisha aan kasoo gudubnay ee June waxaa tiyaatarada la saaray filimka sida weyn loo wada sugaayay ee Tubelight kaaso hogaamiye ka ahaa Mega Star Salman Khan.

Haddaba aqristayaal badan ayaa nasoo weydiiyay filimka Tubelight iyo sida uu badbaadi karo sidaa daraadeed waxaa idin soo aruuraray warbaxin cadaynaaya filimka Tubelight iyo sida uu ku bad baadi karo ama haatan rajo laga qabin.

Ugu horeyn filimkaan waxaa maal giliyay Salman khan laakiin mar hore ayuuba helay lacagaha lagu qarash gareeyay waliba faa’ido badan ayuu ka helay.

WARAR DHEERAAD AH:

Filimka Tubelight xaquuqdiisa qeybinta cajaladaha waxaa lacago waali ah ku iibsaday Shirkada NH Studio 250 Crore maadaama lagu tashanaayay in ka badan faa’do laga helo sababta ayaana in Salman Khan hogaamiye ka ahaa oo sanadahaan danbe filimadiisa guul weyn gaari jireen.

Haddaba Tubelight sidee ayuu ku badbaadi kara maadaama filimkaan xaquuqda qeybinta cajalaha lagu iibsaday 250 Crore filimka Tubelight wuxuu Hit dhameestiran ku noqan karaa marka uu soo xareeyo 270 Crore gudaha Hindiya oo kalii wuxuuna Average ku noqan doona marka uu soo xareeyo 250 Crore gudaha hindiya oo kalii.

Sidaa daraadeed kooxda iibsaday Tubelight waxaa soo gaari doonto qasaaro weyn waxayna midaas ka dhigan tahay in Tubelight laga qabin rajo inuu guuleysto wuxuuna noqan doona filimka ugu horeeyo ee Salman Khan muda ka dib ka guul dareysta.

Waxaa sidoo kale la sheegay haduu Salman Khan filimkaan wadi laheyn xitaa lacagtaan ma keeni maadaama sheekadiisa si weyn u liitado kalii wuxuu lacagtaan ku keenay Salman Khan awoodiisa Star Power.

FG: Hada kuma dag dagi karno in filimka Tubelight uu noqday Disester ama flop kalii waxaan sugi doona shabakada Boxoffice India natiijada ay ku tilmaamto inkastoo uu yahay filim guul dareystay.

Fikradaha Akhristayaasha (12)

  1. pasta says:

    Sirba fakatay
    anigu waxan islahaa awooda salman khan wuxu gaadhsiin filmkan 200cr uuna badbaadin kara balse ninkan waxa uu gadi karaa film sheeko fiican iyo xarako leh maanta waxan xaqiiqsaday in laga awood badan yahay waxaba ka awood badan srk, akki, ajay iyo hrithik ee filmadiisa maalin fasax oo lasaaro ayay guul wayn ku gaadhi jireen balsi hada talaa ku gurracan boodhka waa in uu iska jafaa iskuna kalsoonadaa sida akki oo fasax iyo fasax la’aan guul weyn gaadhsiiya filmkiisa
    akki wa aktar filmada marba waji cusub ku soo bandhiga film action, jaceyl, iyo qosol, mid walba uu ku qancin karaa waa actorka ugu qaab jilinka wacan guuul akki king of comedy.
    salman khan waxan u rajeena inu u badbaado filmkisu ileyn wax kale uma qaban karne

  2. nabadoon says:

    waxaas buun buunin iyo dab daboolid ayaan u arkaa sxb aadan muriidi mida kale filimka raees oo 60crore lagu iib saday xaquuqdiisa qaybinta soona xareeyay 130 crore ayaa semi hit noqday baad nagu tiraahdeen kana hadii uu 270 crore soo xareeyo asigoo 250 crore lagu iib saday waa hit ayaad leedahay kii laba jibaarka soo xareeyay waa semi hit kana hadii 20crore o dheri ah so xareyo waa hit dhamays tiran bal waxa aad noo sheegayso eeg caqli gaabku xitaa ma qaadan karo fadlan halka inaga yara sax waligay qoraayada filimside kuma aaan tilmaamin inay actor gaar ah taageeraan ugamana shakinin lkn hada kadib fikirkaas waan la laabtay sabab tuna waa wararka aan xaqiiqada ku salays nayn oo aad baryahaan danbe soo gudbinaysaan markii hore filimkaan falan qaynta ayaad ka dayseen hadana sheeko aan macquul ahayn ayaad soo qorteen bye filimside

    • Aadan Muriidi says:

      wll adiga qoraalka si fiican maba u aqrisanin aniga kuma dhahin filimkaan wuu guuleysanaa ee waxaana ku dhahi waa filima guul dareystay laakin disester iyo flop kuma tilmaami karno ee waa inaa shabakada boxffice india sugbaa waxay labadaba ku tilmaamto marka mar labaad aqriso warbaxinta

    • Aadan Muriidi says:

      sxb nabadoon warbaxinadeena waad fahmi jirtay laakiin maanta wey kaa hoos baxday sababtoo ah anaga kuma dhahin tubelight ayaa guuleysanaayo mana ku dhahin waa semi hit ee waan kuu cadeynay inuu guul dareysanaayo waxaana kalii ku dhahnay natiijadiisa waxa uu yahay disester ama flop waa inaan ka sugnaa shabakada boxoffcie india marka halkee ka keentay inaa anaga ku dhahnay wuu guuleysanaa fadlan mar kale si fcn u aqri warbaxinta sidoo kale anaga aktar aan taageer u nahay ma jirto

      • Wadani says:

        Guul iyo guuldaro la iskuma hayo Sxbkan wuxuu ku weydiiyey Isagoo lagu qarashgareeyay 250 crore haduu keeno 270 farqiga waa 20 ee sidee ayuu ku noqon HIT. Yacni hit buu noqonayaa maadan dhihin ee Wuxuu ku badbaadi karo ayad tilmaantay lacala yacni haduu intaas keeno ayu badbaadi karaa oo uu HIT noqon karaa. Isagana Wuxuu ku weydiiyey Lacagta lagu qarashgareeyay iyo lacagta uu Hit ku noqon karo waxa u dhexeeyo waa 20 crore Raeesna Labanlaab ayuuba soo xareeyay……….. xaggaas noo iftiimi.

        • Aadan Muriidi says:

          sxb raees cimri ahaantiisa wuxuu keenay 128 crore marka labo laab intee ayaa ka keentay i faham aniga kuma darin lacagaha suuqyada waa kalii sida uu gudaha hindiya ku guuleysan karo waxaan rajeema inaad i fahamtay

  3. Wiilka Xaafada says:

    Pasta inuu Salman khan awood Leeyahay Cid Shaki Galin karta ma jirto Awooda akki Iyo salman khan Inta Cirka Iyo Dhulku Isku Jiraan ayey Isku Jiraan Mida kale Filmka Uoo socda Ayaad ogaan doonta Waxay awooda Salman Khan Tahay Anaga Akki Iyo srk Wax Hanpoga Dhigin

  4. mowlid says:

    big flop weeye hhhhh aasay hadan ku leeyiin 250 ayaa lagu iib saday waar bollywood lif waxay tidhi waa flop tublight sheekaad haysaye adeeroow calamka wn la soconaa wax caqli gala noola kaalay niyow kaa qori mayno taase

    • Aadan Muriidi says:

      sxb anaga kuma dhihin waa big hit ee waxaana ku dhahnay waa filim loogu qasaaray marka adigana warbaxinta ku laabo

  5. aas says:

    kkkkkkkkkkkkkkk

  6. faniska srk says:

    hmmmmm folp

  7. Somali pure says:

    flop xataa ma noqon karo waa Disaster filimkani




Featured Video