Rasmi: Filimka Tubelight Oo 200 Crore Kasoo Xareeyay Gudaha Hindiya Iyo Suuqyada Caalamka

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Salman Khan filimkiisa Tubelight ayaa isku darka gudaha hindiya iyo daafaha caalamka 10 maalin kusoo xareeyay 200 Crore wuxuuna 152 crore ka keenay gudaha hindiya canshuurta ka hor halka uu 48 Crore $7.4 Million uu ka keenay suuqyada caalamka.

Wuxuuna Salman Khan sanadahii danbe lacagahaan ku keeni jiray 4 maalin marka laga reebo filimka Jai Ho oo ahaa 2014-kii ahaa sidoo kalena aan la daawanin maalin Eid ah Tubelight ayaa cimri ahaantiisa gudaha Hindiya iyo daafaha caalamka ka keeni doono 210 ilaa 215 Crore.

Sidoo kale Tubelight ayaa noqday filimka 31-aad ee 200 Crore kasoo xareeyay gudaha Hindiya iyo suuqyada caalamka sidoo kale mudo 10 maalin waxaana hogaanka u haayo filimadaas Bahubali – The conclusion oo keenay 800 Crore canshuurta ka hor.

WARAR DHEERAAD AH:

Ganacsiga uu Tubelight suuqyada caalamka ka sameynaayo waa ganacsiga ay sameeyeen filimada Airlift (2016), Jab Tak Hai Jaan (2012), Rustom (2016) iy Singham Returns (2014). waxaan Salman Khan inuu ganacsi hoose ka sameyo gudaha iyo suuqyada caalamka ugu danbeysay filimka Wanted laakiin markaas ma lahaynin awooda uu haatan heysto waxayna awoodaas bilaabatay Dabangg ka 2010-kii.

Sababta filimkaan uu ku qasaraay ayaa ah in sheekadiisa lawada diiday sidoo kalena Salman Khan aan ku jileenin qof awood leh kuna jilaayo qof weyn aan aqli laheyn waana sababta filimkaan si weyn loo diiday.

 

 

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video