Rasmi: Way Soo Laabteen Arjun Kapoor Iyo Parineeti Chopra Oo Mar Kale ShaashadaFilim Ku Midoobi Doonan

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Waxaa horey idin kula wadaagnay in la wado qorshe la doonaayo Arjun Kapoor iyo Parineeeti Chopra in dib loo mideeyo filim xiiso badan-na loo dhiibi doono.

Haataan waxaa la xaqiijiyay in Arjun iyo Parineeti wada sameyn doonan filimka uu director-ka ka noqan doono Dibakar Banerjee waana filim Action iyo jaceyl isku jiro ah waxaana loo bixiyay Sandeep Aur Pinky Faraar.

WARAR DHEERAAD AH:

Sidaa daraadeed mudo 5-sano ka dib ah waxaa mar kale filim ku midoobi doonan Arjun Kapoor Iyo Parineeti Chopra oo bandhig Classic ah ka muujiyeen fiilimkooda Ishaqzaade ee sanadii 2012 la daawaday wuxuuna ahaa Arjun Kapoor filimkiisa koowaad.

Sida wararka sheegaayo Arjun iyo Parineeti waxay filimkaan saxiixdeen bilawga sanadkaan laakiin jilaayashaan ayaa mashquul ku ahaa mashaariic kale oo kal duwan laakiin haatan waxay diyaar u yihiin sameynta filimkaan.

Waxaana filimkaan mar kale maal gilin doonto shirkada Yash Raj Films oo hori ugu sameysay filimkooda lagu amaanay ee Ishaqzaade waana arin xiiso badan in Arjun iyo Parineeti mar kale shaashada kasoo wada muuqan doonan.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video