Shahid Kapoor Iyo Xaaskiisa Mira Rajput Oo Qorsheynaaya Cunugooda Labaad

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Jilaaga lawada jacel yahay ee Shahid Kapoor sanadkii hore xaaskiisa Mira Rajput waxay u dhashay gabadh qurux badan oo lagu magacaabo Misha.

Laakiin Mira marka ay uurka laheyd saxaafada ayaa hadal heysay in aad u yar tahay laakiin Mira ayaana waxaas joogsi u qabanin waxayna cadaysay in hooyo noqan karto iyadoo yar sidoo kalena gabadheeda xanaanaysan karto.

WARAR DHEERAAD AH:

Mira oo hada noqatay qof caan ayaa sidoo kalena ka qeyb gasho xaflada jilaayaasha bollywood-ka dhigaan ayaa sheegtay in qorshaha ugu jirin wararka saxaafada diyaarna u ah inay cunug labaad hooyo u noqoto.

Dhinaca shaqada Shahid Kapoor waxaa uu ku mashquulsan yahay duubista filimkiisa weyn ee padmavati oo uu director ka yahay filim sameeyaha caanka ah ee Sanjay Leela Bhansali.

Wuxuuna ku matali doono doorka Rana Rawal Ratan Singh, boqarad Padmavaiti ninkeeda waxaa kaloo filimkaan kula wehliyo Ranvee Singh waxaana la daawan doona 17 November 2017.

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video