Ram Gopal Varma Oo Direcor Ka Noqan Filimka Looga Hadlaayo Nolasha NTR

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Super Star Nandamuri Balakrishna ayaa sanadkii hore magacaabay in filim laga sameyn doono nolasha aabahiis ee Nandamuri Taraka Rama Rao, NTR.

Sidoo kale Nandamuri Balakrishna ayaa doonaaya inuu filimkaas hogaamiye ka noqdo waxaana la xaqiijiyay in filimkaan direcor ka noqan doono Ram Gopal Varma asigoo sheegay inuu ku faraxsan yahay sameyn halyeeyga NTR.

WARAR DHEERAAD AH:

Nandamuri Taraka Rama Rao, NTR waa jilaa weyn oo si weyn loogu danbeeyay Tollywood asigoo soo maray nolal dhib badan ugu danbeyn wuxuu noqday jilaa awood badan filim sameeye qarash gareeya iyo wixii la mid waana jilaa kor u qaaday shirkada Telugu sidoo kale wuxuu noqday wasiirka Andhra Pradesh.

NTR wuxuu leeyahay caruur fara badan wuxuuna awoowe u yahay Young Tiger Jr NTR waana qoys awood ku leh fanka Tollywood haddaba waxaa filim laga sameynaaya nolashiisa waxaana hogaamiye ka noqan doona wiilkiisa ahna Super Star Nandamuri Balakrishna.

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video