Salman Khan Oo Goor Dhow Duubis Ku Bilaabi Doono Judwaa 2 Iyo Taapsee Pannu Oo Ku Faraxsan

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Atariishada reer Tollywood ee Taapsee Pannu oo sanadkii hore kusoo caan baxday filimka bollywood-ka ahaa Pink ee Amitab Bachchan hogaamiyaha ka ahaa.

Filimkeeda xiga waa Judwaa 2 oo hogaamiye ka yahay Varun Dhawan waxaana kaloo kula wehliso Jacqueline Fernandez halka uu director ka yahay David Dhawan.

WARAR DHEERAAD AH:

Judwaa 2 waa qeybta labaad ee judwaa ee la daawaday 1997 hogaamiyaal ka ahaayeen Salman Khan Karisma Kapoor Iyo Rambha sidaa daraadeed waxaa shaaca laga qaaday in qeybta labaad ee filimkaan ay door yar ku leeyihiin Salman Khan Iyo Karisma Kapoor.

Hadaba waxaa shaaca laga qaaday in Salman uu goor dhow duubi doono muuqalka uu ku leeyahay filimka Judwaa 2 Taapsee Pannu ayaana ku faraxsan warbaxintaan in Salman muuqal la duubto filimka Judwaa 2 Taapsee ayaa sheegtay ” Salman Waa jilaa si weyn loo wada jacel yahay waana ku farax sanahay inaan muuqal yar kala soo muuqdo filimka Judwaa 2.

Waxaana sidoo kale filimka Judwaa 2 lagu soo dari doono labada hees ee caanka ahaayeen kuna jirtay qeybta koowaad ee Tana Tan iyo Oonchi Hai Building, Judwaa 2 ayaana daafaha caalamka laga daawan doona September 29.

 

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. ishwaaq says:

    wwaaw Salman bhia we wait you




Featured Video