9 Jilaa Oo Caan Ah Oo Aan Sanadkaan Ku Arki Doonin Filim Bollywood Ah (+Sawiro)

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Sanadkaan aan ku guda jirno 2017 badi jilaayaasha bollywood-ka ka tirsan filimaan ayay keenaayaan laakiin waxaa jiro 9 jilaa oo aan sanadkaan wax filim keeni doonin.

9 Jilaa oo aan sanadkaan wax filim keeni dooni qaar filimaan badan ayaa sanadka danbe u diyaarsan halka kuwa kale waxa filim ah aan u diyaarsaneen sido kale waxaa macquul in wax walbo in ay is badalaan oo qaar ka mid ah sanadkaan filima la imaadaan laakin sida la ogyahay hada waxa filim masoo wadaan jilaayaashaan hoos ku xusan.

Fadlan hoos kaga bogo

1. Priyanka Chopra

Priyanka Chopra oo ku biirtay shirkada Hollywood-ka sanadkaan uma diyaarsano wax filim bollywood ah waxaana la rajeynaaya in sanadka danbe bollywood-ka kusoo laaban doonto.

2. Kareena Kapoor Khan

Kareena Kapoor sanadkaan uma diyaarsano wax filim ah maadaama ay hooyo noqatay laakiin sanadka danbe ayay la imaan doonto filimka ‘Veere Di Wedding.

3. Abhishek Bachchan

Abhishek Bachchan inkastoo uu saxiixday filimaan badan sanadkaan uma soo baxi doono wax filim ah laakiin wax dhinaciisa wey iska badali karaan maadaama mashaariic badan u diyaarsan.

4. Aishwarya Rai Bachchan

Aishwarya Rai sidoo kale sanadkaan wax filim ah uma diyaarsano laakiin sanad danbe ayay la imaan doonta filimaan xiiso badan.

WARAR DHEERAAD AH:

5. Kajol

Kajol sidoo kale iyadana sanadkaan wax filim bollywood ah uma soo baxi doono laakiin looma xiisaayo waxaa usoo baxi doono filimka Tamilka ah ee VIP 2.

6. Randeep Hooda

Randeep Hooda waa jilaa door walbo sameyn karo laakiin sanadkaan wax filim ah um soo baxi doono wuxuuna si weyn ugu mashquulsan yahay filimkiiisa Battle of Saragarhi.

7. Abhay Deol

Abhay Doel oo filimkiisa ugu danbeeyay ahaa Happy Bhaag Jeagi wax filim ah uma soo baxi doono sanadkaan laakiin sanadka danbe ayaa al rajaynaaya inuu la imaado filim xiiso badan.

8. Nargis Fakri

Nargis oo sanadkii hore isku dhaceen saaxiibkeeda Uday Chopra wadanka wey isaga tagtay iyadoo hada fanaan noqatay waxayna niyad jab ka qaaday bollywood-ka.

9. Bipasha Basu Singh Grover

Bipasha waxay guursaday Karan Singh Grover ka dib ma saxiixan wax filim ah iyadoo farxad la qaadanayso seygeeda laakiin sanad danbe ayay la imaan doonto filimaan.

F G: liiskaan Aamir Khan waxaa loogu Dari Waayay In Sanadkaan Tiyaatarada Uu U Fuulay Filimka Dangal

Fikradaha Akhristayaasha (4)

  1. zaahil says:

    Hrithik na

  2. C/Maalik Gees Cadde says:

    karishma kapoor xaguu ku dambeesa
    taageere ayaa u ahay

  3. C/Maalik Gees Cadde says:

    karishma kapoor xagee ku dambeesa
    taageere ayaa u ahay




Featured Video