Dagaal Sedex Geesood Ah: Sunny Deol Vs Saif Ali Khan Vs Arjun Rampal Keebaa Guuleesan Doono

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Waxaa shaaca laga qaaday in 8 bisha September 2017 Boxoffice ku dagaalami doonaan sedex atoore oo Bollywood-ka magac ku leh laakiin xiligaan Boxoffice-ka awood ku laheyn una baahan inay filim Hit ah helaan.

Waxaan horey idin kula wadaagnay Sunny Deol iyo walaalkiis Bobby Deol tiyaatarada loo saari doono filimka shactirada ah Poster Boyz 8 bisha September waxaana la jilaayo Shreyas Talpade oo isagana Director ka ah filimkaan.

WARAR DHEERAAD AH:

Sidoo kale Saif Ali Khan filimkiisa Kaalakaandi isagana labo todobaad ka hor ayaan idin la wadaagnay in la daawan doono 8 September 2017 waana filim Saif hogaamiye kowaad ka yahay.

Haatana Arjun Rampal filimkiisa Daddy ee nolosha Gangster-kii Arun Gawli looga hadlaayo ayaa si rasmi ah shaaca looga qaaday in 8 September la daawan doono.

Sidaa darteed Boxoffice-ka waxaa ku dagaalami doonaan Sunny Deol Vs Saif Ali Khan Vs Arjun Rampal todobaadka labaad bisha September waxayna sedexdaan atoore u baahan yihiin filim Hit ah hadana ganacsi ahaan iyaga ayaa dhuunta is qaban doonaan.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video