Shactiroolaha Ugu Weyn Telugu Ee Brahmanandam Waa Maxay Sababta Uu Hal Fursad U Weydiisanaaya Pawan Kalyan Iyo Mahesh Babu

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Ugu horeyn qof walbo oo shirkada Telugu ka tirsan wuxuu jacel yahay inuu filim walbo ku arko shactiroolaha sida weyn loogu danbeeyo Telugu ee Brahmanandam.

Brahmanandaam oo ah shactiroole badanaa kasoo muuqdo filimada Telugu wuxu shaashada la wadaagay jilaa walbo oo Telugu sida Pawan Kalyan iyo Mahesh Babu oo ugu danbeysay inuu la shaqeeyo filimadooda Atharintiki Daaredi iyo Dokudu.

WARAR DHEERAAD AH:

Laakiin shactiroolahaan maalin ayaa ka hoos baxday asigoo sheegay in dartiisa ay guul ay ku gaareen filimada Atharintiki Daaredi iyo Dokudu oo hogaamiye ka ahaayeen labada Super Star sida weyn loogu jacel yahay koonfur hindiya ee Pawan Kalyan Iyo Mahesha Babu.

Ka dib waqtigaas Brahmanandaam kama soo muuqanin filim ay hogaamiye ka yihiin Pawan Iyo Mahesh maadaama mar walbo doorka ay filim sameeyaasha usoo bandhigaan waxaa ka hor is tagaayay labadooda waxaana lagu badalaa shactiroole kale.

Laakiin Brahmanandam oo qaladkiisa fahmay ayaa fursad kale weydiistay Pawan Kalyan Iyo Mahesh Babu asigoo doonaaya inuu kasoo muuqdo filimada xiga ee labadaan jilaaa.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video