Ajay Devgn Filimkiisa Golmaal Again Oo Lagu Soo Dari Doono Hees 90-kii Ajay Iyo Kajol Isla Qaadeen

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Waxaa sanadahaan danbe dib loo sameynaaya heesaha hirgaleen ee la daawaday 90-kii la yaabna ma noqan doonto hadii ajay Devgan uu dib u sameeyo heestaan asiga iyo xaaskiisa Kajol hori isla qaadeen.

Rohit Shetty taxanahiisa afaraad ee Golmaal ayaa waxaa lagu soo dari doona heesta 90-kii Chartbuster-ka noqatay ee Neend Churayi Meri ee ku jirtay filimka (Ishq) waxaana heestaan wada qaaday Ajay, Aamir, Kajol, Iyo Juhi Jawla.

WARAR DHEERAAD AH:

Waxaan heestaan Music-kadiisa diyaarin doona Amaal Malik ilaa hadana lama shaacinin fanaanka dib u qaadi doono waxaana sidoo la sheekay in Ajay Devgan heestaan mar kale uu ciyaar xiiso badan kusoo bandhigo.

Amaal Malik ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay diyaarinta heestaan maadaama hori music-ka heestaan u sameeyay adeerkiisa Anu Malik asigoo ku tilmaamay in masuuliyad weyn garbaha laga saaray.

Golmaal Again waxaa Ajay Devgn kula wehliyo jilaayaasha Arshad Warsi, Tushar Kapoor, Shreyas Talpade, Kunal Kemmu, Johnny Lever, Tabu Iyo Parineeti Chopra waxaana la daawan doona Diwali sanadkaan.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video