Maxkamada Ugu Weyn Ee Bombay Oo Labo Isbuuc U Qabatay Dowlada Maharashtra Sababta Sanjay Dutt Si Dhaqsi Ah Xabsiga Loogu Daayay

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Bollywood Super Star Sanjay Dutt waxaa mooda nolashiisa in xabsi iyo arimaha sharciga wili ka dhamaanin sababbtoo dhibaato kale ayaa soo wajahi rabtaa.

Sababto ayaa in maxkamada ugu weyn Bombay ee Bombay High Court grant ayaa soo saartay warqad oo labo isbuuc lagu siiyay dowlada Maharashtra sababta Sanjay Dutt si dhaqsi loogu daayay xabsiga.

WARAR DHEERAAD AH:

Sanjay Dutt ayaa lagu heysta ilaa iyo hada inuu ku lug lahaa kiiska qarax ahaa ee dhacay 1993 ee ku geeriyodeen 257 qof waxaana dhaawac kasoo gaaray dad gaaraaya 700.

Sanjay oo lagu xukumay 5 sano marar kala duwan ayuu xabsiga galay wuxuuna xabsigiisa si rasmi ah u dhameystay sidoo kalen xabsiga Yerwada laga sii daayay February 2016 asigoo u dhimaan bilooyin sababta ayaana ah inta xabsiga uu ku jiray si wanaagsan u dhaxmay sidaana loogu jaray bilooyinka.

Sidaa daraadeed warqad kasoo baxday Bombay High Court waxay dowlada Maharashtra u qabatay labo isbuuc inay cadeeyaan sababta si dhaqsi Sanjay Dutt loogu daayay xabsiga.

Dhinaca shaqada Sanjay Dutt waxaa u diyaarsan filimka uu kusoo laaban doono ee Bhoomi uu director ka yahay Omung Kumar waxaana kula kula wehliso Aditi Rao Hydari waxaana la daawan doona September 22, 2017.

Fikradaha Akhristayaasha (2)

  1. Farmaajo says:

    Kkk wale waa mucjiso la dabe dhigay hhh se hadii hadane la xidho filimna tiyaatarka losaaro super hit

  2. Tornado says:

    Ninkaan maxaa daba dhigay dadkaan cawaanta ah, noloshiisa dhalinyaranimo ilaa hada xor maaha, qaraxaasi dhacay 1993 cadeyn laguma hayo ee waa un shaki waxa lagu haysta iyo in gurigiisa qoryo laga helay, waxaanba u maleeyay in ay ku haystaan arin diin ah maadaamaa oo uu Sanjay markasta dhaha Islaamka aad ayaan u jeclahay, diintiisa lama oga ilaa hada caruurtiisa xitaa magac muslim ayay leeyihiin sida Iqra




Featured Video