Govinda Oo Ugu Danbeyn Ka Hadlay In Anurag Basu Uu Ka Saaray Filimka Jagga Jasoos

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Filimka mudada dheer la sameynaayay Jagga Jasoos oo director ka yahay Anurag basu hogaamiyana ka yihiin Ranbir Kapoor Iyo Katrina Kaif ugu danbeyn waxaa la daawan doono bishaan dhaxdeeda.

Filimkaan mudada dheer la sameynaayay waxaa hori loo sheegay Govinda uu ku jili doono Ranbir Kapoor aabahiisa sidoo kalena doorkiisa uu duubay mar hore.

Sidaa daradeed maal mahaan waxaa la hadal heeyay govinda doorkiisa filimka ama sawir u gaar ah laha helay kadib waxaa la wada filaayay in uu govinda uu door muhiim uu ku leeyahay filimka Jagga Jasoos laakiin kooxda filimka ayaa ka saaray Govinda filimka ayagoo ku badalay Saswata Chatterjee.

WARAR DHEERAAD AH:

Govinda ayaa ugu danbeyn ka hadlay kooxda filimka Jagga Jasoos waxay ku sameeyeen asigoo baraha bulshada kusoo qoray ”Waxaan siiyay xushmad weyn qoyska reer Kapoor waxaan filimka u sameeyay waa wiilkeyga sare waxayna ii sheegeen inaa heli doono sheekada filimka.

Waxay kalo la ii sheegay in filimka South Africa lagu duubi doono xitaa kama qaadan lacagta aan ku sameyn lahaa waxaan ahaa qof aan fiicneen waxaan ula safray South Africa ka dib waan duubay doorkeyga.

Govinda ayaan kusii daray ” aniga shaqadeeda jilaa nimo waan qabtay hadii uu filim sameeyaha ku faraxsaneen asiga ayay u taala.

 

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. Wacan abaheyd says:

    Wa idin salaamay dhamaan bahda webka,mar ka 2aad adinkoo raali iga ah waxa jeclaan lahaa ina xogaa qoraalada qaar inaga saxdaan si aan u fahamno waana mahadsan tihiin aad iyo aad ayaane ugu faraxsanahay howsha adag aad bulshada u heesaan.
    Raalina iga ahaada.




Featured Video