Arjun Kapoor Oo Akshay Kumar Ka Badali Doono Filimka Namastey England

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Waxaa sanooyinkaan danbe la hadal heeyay in Akshay Kumar uu sameyn doono qeybta labaad ee filimka Hit-ka weyn noqday 2007 ee Namastey London waxaana hogaamiye ka ahaayeen Akshay Kumar Katrina Kaif Iyo Rishi Kapoor.

Filim sameeye iyo qarash gareeye Vipul Amrutlal Shah oo sanadahaan danbe hadal heeyay inuu sameyn doono qeybta labaad ee filimkaan hadal kalii ayuu ku egeeyay mana u tilaabo qaadin inuu filimkaan sameeyo.

Vipul oo qeybta labaad mar kale Akki hogaamiye ugu dhigay waxaaa la sheegay inuu Akki ku mashquulsan yahay mashruucyo badan oo uu saxiixday sidaa daraadeed wararka la helaayo ayaa sheegaayo in filimkaan loo dhiibi doono Arjun Kapoor.

WARAR DHEERAAD AH:

Vipul ayaana qorsheynaay in Akshay Kumar la’aantiisa uu sameeyo qeybta labaad ee filimkaan wuxuuna doonaayo inuu Arjun Kapoor u dhiibo.

Maadaama Akki filimaan badan uu ku mashquulsan yahay sida Gold, 2.0 iyo wuxuu ku mashquuli doona xayaysiimada filimadiisa ee Toilet: Ek Prem Katha Iyo Padman.

Sidaa daraadeed filim sameeye Vipul Amrutlal Shah  oo jeclaa in la’aanta Akshay filimkaan uu sameynin danta ayaa ku qasbi doonto maadaama Akki uu aad u mashquulsan yahay waana arki doona wax walbo oo mashruucaan kusoo kordha.

 

 

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. Xaniif abik says:

    War ha is qasaarin dheh darktarka, aniga waxan dhihi lahaa iska suk akshey intuu mashquulka kasoo baxaayo waa mudo gaaban




Featured Video