Bollywood: Shah Rukh Khan, Salman Khan, Ranbir Kapoor La Kulan 5-ta Warbaxin ugu Weynaa Ee Todabaadka Hori Dhacay

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Kusoo dhawaada barnaamijkeena cusub oo aan kusoo qaadan doono todabaadkaan hore iyo warbaxinda ugu waa weynaa ee ka dhacay Bollywood-ka.

Hoos kaga bogo 5- warbaxin ee ugu xiisaha badnaa todabaadkii hore waxaana ku jiro jilaayasha Shah Rukh Khan, Salman Khan, Ranbir Kapoor iyo kuwa kale.

Shah Rukh Khan Iyo Salman Khan’ saaxiibtinimadooda.

Salman Khan ayaa todabaadkii hore ka qeyb galay dubista filimka Shah Rukh Khan ee Dwarf oo lagu duubaayay YRF studio Srk ayaana Salman lama filaan ugu dhigay hadiiyad qaali oo ah gaari mercedes waxayna marka kale dunida tuseen saaxiibtimadoda.

Tiger Shroff Shaqo Kuma Lahi Atiriishada lagu soo dari lahaa filimka SOTY 2

Tiger Shroff ayaa la weydiiyay todabaadkii hore in ku guda jiro labada atiriisho ee la sameyn doonan filimka Student Of Th Year 2 Tiger ayaana ku jawaabay inuusan ku jirin shaqadaas waxayna gaar u tahay kooxda filimka iska leh.

Waxaana hori la shaqeeyay atiriishooyin qurux badan sida Shraddha Kapoor (Baaghi) iyo Jacqueline Fernandez (A Flying Jatt) marka aniga shaqo kuma lihi arimahaas waxaan ka hadlaa arimaheega sida sida doorkeyga iyo sheekada filimka.

Ranveer Oo gaari Ku Wareejiyay Jaceylkiisa Deepika

Todabaadkii hore Ranveer Singh ayaa u dabaal dagaayay dhalashadiisa 32-aad sidaa daradeed jilaagaan ayaa dadka ka yaabiyay asigoo hadiiyada ahaan is siiyay gaari Aston Martin ah.

WARAR DHEERAAD AH:

Sidoo kale jilaaga kaftanka badan wuxuu magaalada kusoo wareejiyay jaceylkiida Deepika Padukone ayagoo waqti wacan wada qaaday.

Govinda Oo Si weyn Ugu Hadlay Doorkiisa laga Jaray Filimka Jagga Jasoos

Super Star Govinda ayaa asigoo careysan ka hadlay doorkiisa laga jaray filimka Jagga Jasoos asigoo ku tilmaamay in kooxda Jagga Jasoos qalad ka galeen.

Maadaama asigoo xanuunsanaa South Africa ula safray kuna soo duubay doorka uu ku leeyahay filimka Jagga Jasoos laakiin halyeeygaan doorkiisa filimka waxaa ka jaray Anurag Basu.

Katrina Kaif Oo Sheegtay Ranbir Kapoor Saaxiibtiisa Cusub.

Waxaa wararka hadal heysay todabaadkii hore in dib isku soo laabteen Ranbir Kapoor Iyo Katrina Kaif laakiin Katrina ayaa saxaafada ka yaabisay marka ay shaaca ka qaday Ranbir Kapoor saaxiibtiisa cusub.

Katrina Iyo Ranbir oo saxaafada la fag galaayay xili xayaysiin u sameynaayeen filimkooda Jagga Jasoos ayaa sheegtay in Ranbir saaxiibtiisa cusub aan jilaa aheyn waxayna tilmaamtay in Ranbir saaxiibtiisa tahay gabbar reer Mumbai ah.

Dhamaad

Waad Ku Mahadsan tahay Aqriskaaga

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video