Director Remo D’Souza Oo Bilaaabay Diyaarinta Filimka ABCD 3 Prabhu Dheva Qayb Ayuu Ka Yahay Mashruucaan

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Prabhu Deva labada qaybood ee ABCD wuu kasoo muuqday wuxuuna ku jilaayay macalin dhalinta dhiiri galiyo kadib markii uu isaga cayaarta Dance-ga ku guul dareestay.

Hadana waxaa shaaca laga qaaday in Prabhu Deva uu qayb ka noqon doono door muhiim ahna ku yeelan doono filimka ABCD 3 sida uu Director Remo D’Souza xaqiijiyay.

WARAR DHEERAAD AH:

Director Remo D’Souza wuxuu saxaafada u sheegay in qorista sheekada ABCD 3 gabo gabo ku dhow yahay sidoo kalena Prabhu Deva door weyn qaybtaan ku leeyahay asigoo ku kalsoon in daawadayaasha Dance-ga Prabhu ka heli doonaan.

Weli shaaca lagama qaadin atooraha iyo atirishada filimkaan hogaanka u qaban doonaan laakiin qof aad ugu dhow Director Remo D’Souza wuxuu saxaafada u sheegay in sameynta ABCD 3 loo xulan doono labo dhalin yar oo xiligaan Bollywood-ka awood ku leh xirfadooda Dance-gana aad u sareyso.

Hadaba Aqriste yaa ku haboon sameynta filimka ABCD 3 labo dhalin yar farta ku fiiq………

Fikradaha Akhristayaasha (6)

  1. Shuceyb says:

    Tiger Sharoff Ayaa ku habon Actor ahan Atirashdna Allia

  2. Mr-bond says:

    Tiger and shaahid

  3. xaniif Abik says:

    Aniga teyda hadii aan kahadlo waxa ku soo baxaayo Tiger shroff iyo shraddha kapoor

  4. hashim says:

    Tiger nd varun

  5. Ibnu cabdi zanka says:

    Tiger and ranpir

  6. alcsntara says:

    varun and shrrada




Featured Video