Ranbir Kapoor Oo Raali Galiyay Govinda Asigoo Ku Tilmaamay Waxa Ay Ku Sameeyeen Cadaalad Daro

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Waxaa shalay idinla wadaagnay in Govinda baraha bulshada soo dhigay qoraalo badan oo ku eedaynaayo in si qaab daran ula dhaqmeen kooxda Jagga Jasoos oo ugu horeeyo filim sameeye Anurag Basu.

WARAR DHEERAAD AH:

Hadaba Ranbir ayaa u jawaab celiyay Govinda ” marka qofka uu wax walbo uu kasoo tago uu filimkaaga waqti wanaagsan siiyo waa inuu helaa waxa laga balan qaaday Ranbir Kapoor ayaana eeda dusha ka saaray filim sameeye Anurag oo Govinda ula dhaxmay si cadaalad daro ah”.

Ranbir oo hadalkiisa wato ” run ahaantii doorkiisa dhan waa laga jaray filimka ugu horeyn filimka waxaan bilawnay anaga oo aan dhameen sheekada filimka wax walbana waala badalay filimkana waqti badan ayuu nagu qaatay waana masuuliyad iyo cadaalada daro aan ku samaynay halyeey Govinda oo si cadaalada ah doorkiisa u sameeyay waana ka xumahay sida filimkaan looga bixiyay waana ka raali galinaynaa, laakin wax fiican ayay aheyd in doorkaan aan jarnay banaanka usoo baxo.

Haddaba waxaa la sugaaya jawaabta uu Govinda kasoo bixin doona raali galinta Ranbir kasoo bixiyay asigoo tilmaamay in uu ka xun yahay sida uu Anurag iyo Kooxda filimka Jagga Jasoos ula dhaqmeen Govinda.

Fikradaha Akhristayaasha (2)

  1. C/Maalik Gees Cadde says:

    Waa salaamantihiin xoogaa ereyada qaar naga saxa mala fahmi karo qaar kood meesha loola jeedo waadna mahadsantihhiin
    Horumar wacan Filimside

  2. Taageere sharaddha kapoor says:

    maxay uga baxsheyn Wuu kusoo bixi laha




Featured Video