Suniel Shetty Oo Walaac Ka Qabo In Caruurtiisa Xiligaan Qayb Ka Yihiin Bollywood-ka Dhibka Badan

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Ruug cadaa Suniel Shetty gabadhiisa Athiya Shetty sanadii 2015 ayay Bollywood-ka kusoo biirtay halka wiilkiisa Ahan Shetty isagana dhamaadka sanadkaan uu duubis ku bilaabi doono filimkiisa kowaad.

Hadaba Suniel ayaa walaac xoogan ka qabo sida caruurtiisa fanka Hindiya baaqi ugu sii ahaan karaan xili Bollywood-ka ay haatan noqotay goob caddow isku ah aadna u dhib badan tahay in laga shaqeesto.

WARAR DHEERAAD AH:

Athiya Shetty filimkeedii kowaad Hero (2015) wuxuu noqday filim ganacsi ahaan guul dareestay wuxuuna Suniel yiri “Aadban ugu faraxsanahay sida uu haatan ku socdo hanaanka mustaqbalka fanka Athiya, waana ka helay sida ay filimada u dooraneyso waxaana hubaa hal guul daro inaysan waxba u dhimi doonon gabadheyda”

Athiya Shetty waxaa haatan u diyaarsan filimka Mubarakan oo ay la jileyso Arjun Kapoor iyo Anil Kapoor lana daawan doono 28-ka bishan July waana filim shactiro ah oo uu sameeyay Anees Bazmee.

Suniel Shetty oo gabadhiisa dhiiri galinaayo wuxuu yiri “Filimkeygii kowaad Super Hit ma ahayn hadana waxaa ii suura gashay in ka badan 25-sano inaan fanka baaqi ku ahaado midaasna waxaan ku gaaray dadaalkeyga iyo daacadnimadeyd”

“Laakiin xiligaan la joogo qof daacad ah fanka kuma jiro jilaayaashana garab isma siiyaan ee iyaga ayaa wax isku diidan sidaa darteed waxaan walaac ka qabaa sida caruurteyda baaqi ugu ahaan karaan Bollywood-ka dhibka badan xiligaan!”

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video