U Gaar Ah Dhalinta Bollywood-ka: Ranbir, Tiger Iyo Arjun Midkee Filimkiisa Hit-ka Ugu Weyn Bishan July Noqon Karaa?

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Bishan July 2017 waa bil u gaar ah dhalinta Bollywood-ka waxaana tiyaarada filimaan loo saari doonaa sedex Jimco oo isku xigto Ranbir Kapoor, Tiger Shroff iyo Arjun Kapoor.

Ranbir, Tiger iyo Arjun waxay bishaan u baahan yihiin Hit dhameestiran si ay ula tartamaan Varun Dhawan oo haatan dhalinta oo idil labo talaabo ka horeeyo madaama filimkiisii Badrinath Ki Dul Hania uu noqday Super Hit weyn.

Ranbir Kapoor Jimcadaan (14 July 2017) ayaa masraxa loo saari doonaa filimka la wada sugaayo Jagga Jasoos oo ay isla jilayaan Katrina Kaif waxaana Director ka ah Anurag Basu.

Jagga Jasoos waa filim dib u mideeyay Ranbir iyo Anurag oo horey filimkoodii Barfi Super Hit u noqday sanadii 2012.

Sidoo kalena hadal heynta kale ee uu Jagga Jasoos xambaarsan yahay waxay tahay inuu yahay filim ay kasoo wada muuqanayaan lamaanihii hore Ranbir iyo Katrina waana filimkooda ugu horeeyo oo ay shaashada kasoo wada muuqanayaan kadib markii ay kala hareen daawadayaashana waxay rabaan inay filimkaan dartooda u daawadaan.

Tiger Shroff waxaa 21-ka bishan July tiyaatarada loo saari doonaa filimka Munna Michael oo ah filim Action iyo Dance isku jiro ah.

WARAR DHEERAAD AH:

Munna Michael rajo wanaagsan ayaa laga qabaa madaama uu Director ka yahay Sabbir Khan oo horey Tiger ugu sameeyay labadiisii filim ee Hit-ka noqdeen Heropanti iyo Baaghi.

Tiger Shroff wuxuu rabaa inuu dhaqo dhiiqadii kasoo gaartay filimkiisii A Flying Jatt oo Flop noqday bishii August ee sanadkii hore wuxuuna wiilkaan doonayaa awoodiisa Boxoffice-ka ee sare u socotay inuu Munna Michael kusii xajiyo.

Arjun Kapoor waxaa 28-ka bishan July tiyaatarada loo saari doonaa filimka shactirada badan Mubarakan oo uu labo waji ku jilaayo waxaana ku wehliyaan adeerkiis Anil Kapoor iyo labada atirisho Ileana D’Cruiz iyo Athiya Shetty.

Mubarakan waxaa Director ka ah Anees Bazmee oo ah filim sameeye guusha u saaxiibka ah madaama uu sameeyay filimo waa weyn oo ganacsi ahaan hirgaleen dhanka shactirada sida No Entry, Welcome, Singh Is King, Ready, Welcome Back iyo kale sidaa darteed Mubakaran rajo wanaagsan ayaa laga qabaa guushiisa.

Laakiin Arjun Kapoor culees lixaad leh ayaa saaran halisna wuxuu ugu jiraa inuu asaagiisa ka haro loolan ahaan madaama filim Hit dhameestiran noqdo ugu dambeeyay 2 States oo soo baxay sanadii 2014.

Arjun Kapoor filimkiisii ugu dambeeyay Half Girlfriend ganacsi ahaan wuu guul dareestay wuxuuna noqday Below Average weliba waxaa Boxoffice-ka ku garaacay Irfan Khan oo watay filimkii Hindi Medium.

Sidaa darteed Arjun Kapoor baahi weyn ayuu u qabaa inuu helo filim Hit ah hadii Mubakaran uu bishaan Hit noqdo xidigaan siweyn ayuu u farxi doonaa.

Gunaanad: Aqristayaasha qiimaha badan Ranbir, Tiger iyo Arjun midkee bishan July sameyn karo Hit-ka ugu weyn, hadii Hit la waayo yaa sameyn karo filim guuleesto sidoo kalena sedexdaan dhalinta yar midkee is leedihiin bishaan bil wanaagsan uma noqon doonto……

Fikradaha Akhristayaasha (16)

  1. Ali says:

    Arjun kapoor Wa macquul inuu gulesto Lkn tiger iyo ranbir kapoor filimadoda san filayo Wey guul daresanayaan maxa yelay shegadoda nuxur maleh

  2. Mr.Bond says:

    ani ahaan waxa xiisa ila leh jaga jasoos lkn waxey ku xirantahay shekadiisa muuqaladiisa aad ayaan uga helay filim nuuciisana wali bollywood kuma arkin lkn waxan ka cabsa inuu flop weyn noqodo sidii filimkii akshay kumar ee Joker

  3. faniska srk says:

    ranbir

  4. hashim says:

    Ani waxaa taageeraa tiger asaana la rabaaa
    Lkn mubarakn ayaa noqonaayo sidee ila tahay
    Waayo aneez iyo anil looma kali garo

  5. zakeria says:

    ranbir kapoor wuu ka khibrad wacanyahay
    maadama uukaga soohoreyay fanka ee
    shirkada aflamta ee bollywood waanu ka
    hit badan yahay labad actaree kale

  6. Raees says:

    Ranbir kapoor iyo jagga jasoos

  7. Abdulkadir Aftaab says:

    horta gormaad barateen inaad kashekeesaan filimada waxay noqonayaa somali maxamed mida xigto filmka sheeko kuma gadmo ee wuxuu kugadmaa jacaylka loo qabo aktarka waqtigan lajoogana india waxay aad ujacelyihiin aktarka Tiger shroff waliba iyagoo xiiso wayn uqaba qaab ciyaaredka uuwata Tiger mida xigta Film Ahaan Jagga Jasoos ww film wayn Mubarakana sidookale awooda akatarada ayaa wax walba kawayn sanad walba midka kadanbeeya Aktar ayaa soobaxo isagana hogaanka uqabta india hadan waxaa tusaale idinuku filan akatarka Akshay kumar guulaha uu katalabsanayo waliba isagoo muddo 25 sano kujira Bollywoodka waqtigan lataganyahay ayuu kaga shacbiyad badan waqtigii hore qofka wax qabadkiisa ayaa guusha gaarsiiya Guul Tiger Shroff marka runta laga hadlo waa aktarka kaliya Bollywoodka ay kufaani doonaan 20 sano soo socda sida aan ujeedo Aktar Kudhiiran kara Rambo Films isaga kaliya ayaa kajira Bollywoodka marka Tiger wadada haloo baneeyo He Is Bower Full Aktar Tiger goordhaw khans,ka Bollywoodka qiimo kulaheen ayaad arki doontaaan oolaga sara maray wax walba way isbadaleen Sida ugu soo biiray Bollywoodka Tiger Shroff….Munna Mikel BOLOCK BOSTER

  8. Ibnu cabdi zanka says:

    Ma qabo tas flimku wuxuu ku gadmaa sheko ahan hadi uu flim sheko laan ku gadmaya tubelight aya ku gadmi laha oo flop dhafay dhinaca dawadayasha zhp tiger ayan rajo ka qabaa

  9. Ayaan muuse says:

    ani ahaan waxan isleeyahay jaga jasoos oo u ranbir hogaaminayo ayaa guulaysanaya waayo aad baa loo soo dhaweeyey guushuna waxay ku xiran tahay sheekada filmka

  10. shucayb says:

    tigar sharof filimkiisa

  11. Luqmaan yare says:

    Ranbir ayaan is leeyahay

  12. maajid says:

    tiger filimkiisa aya noqon hitka ugu weyn fikirkyguh

  13. Big acter aamir khan says:

    Tiger shroff

    Aabaha-akshinka-iyo-dance-ga
    Aad iyo aad ayaa loogu xiisa qabaa qaab jiliinkiisa classi-ka

  14. Mataan Ciideed says:

    Hota Tiger iyo ranbir waa laga yaaba inay guulaystaan filimadoodu lakin Arjun u malayn maayo waayo awoodna uu wax kusoo jiidankarona malaha jilinkiisuna aad buu uliitaa markaa isagu uu ka hadhayaa

  15. Ayan Mohamed Awil says:

    Sidaan filaayo dadku jaga jasoos Ayeey aad uu dawaan doonan lkn all the best tiger Iyo arjun waayo I hate Ranbir

  16. alcsntara says:

    ranbir ayaaa guulaysanaya waayo wuu ka khibrad badan yhy tiger iyo arjun ba.ranbir guuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuul




Featured Video