Aamir Khan Dhibcahiisa Awooda Atoorayaasha Bollywood-ka Sare Ayay Usoo Kacday Kadib Guushii Dangal

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Awooda Atoorayaasha Bollywood-ka (Bollywood Star Power) waxaa si gaar ah u qiimeyso una daristo shabakada Boxoffice India oo aruurineesay 24-kii sano ee ugu dambeesay xog ahaan.

Hadaba sanad walbo Boxoffice India Update ayay ku sameysaa awooda atoorayaasha iyo dhibcaha ay aruursadaan waxaana xusid mudan atoore kasto awoodiisa dhibco ahaan sare u kici karto hoosna u dhici karto wax walbo ku xiran yihiin filimkiisa natiijo ahaan waxa uu Boxoffice-ka kala kulmo.

Shabakada Boxoffice India qiimeynteeda Star Power-ka waxay haatan ku xeen daaban tahay 7-atoore ah kuwa sida joogtada ah Boxoffice-ka saameyn ugu leh.

SRK, Salman, Aamir, Akshay iyo Ajay iyaga qiimeyntaan kama baxaan madaama 25-kii sano ee ugu dambeesay Bollywood Boxoffice saameyn toos ugu lahaayeen waa macquul dhibcahooda inay yaraadaan laakiin gabi ahaanba ma gaarin heer ay Star Power-kooda lumiyaan.

Hrithik Roshan 17-sano ee ugu dambeesay qiimeyntaan qayb ayuu ka ahaa weliba safka hore ayuu kaga jiray madaama Star Power-kiisa taagan yahay.

Ranbir Kapoor isagana 10-kii sano ee ugu dambeesay qiimeyntan qayb ayuu ka yahay madaama Star Power uu yeeshay sidoo kale Boxoffice-ka uu saameyn ku lahaa.

Ma Jiraan Atoorayaal Awoodii Ay Lahaayeen Lumiyeen (Lost Star Power):

Haa wey jiraan, waxaana ka mid ah labadii 90-maadkii awooda badnaayeen Sunny Deol iyo Govinda waxayna qiimeyntaan kaga hareen inay Star Power-koodii lumiyeen sidii qarnigaan loo soo galay.

Sidoo kale Anil Kapoor, Jackie Shroff, Sanjay Dutt, Suniel Shetty iyo Bobby Deol iyagana Star Power-kii ay lahaayeen xiliyo kala duwan ayay lumiyeen, maantana waxay yihiin jilaayaal iska caadi ah oo filim kaligood sanad walbo si joogto ah u gadi karin.

WARAR DHEERAAD AH:

Hadii atooraha kaligiis filim gadi karin wuu lumiyay Star Power-kii uu lahaa, waxaana la rabaa sanad walbo si joogto ah in hal filim ama labo filim Hit ka dhigi karo atooraha asigoo awood ku leh mashruucaas.

Ma Jiraa Hada Atoore Ku Qasbaayo Boxoffice India Inay Qiimeyntooda Star Power-ka Kusoo Daraan?

Haa waana Varun Dhawan, madaama uu joogteenayo awoodiisa guulaha dhanka Boxoffice-ka weliba filimada badankooda uu isaga masuul ka yahay guushaas.

Waa qasab sanadkaan gudihiisa in Boxoffice India qiimeynteeda Star Power-ka kusoo darto Varun Dhawan oo haatan dhibco badan si joogto ah u aruursanaayo.

Aamir Khan Dhibcahiisa Sare Ayay Usoo Kaceen Kadib Guushii Waalida Ahayd Ee Dangal Gaaray:

Aamir Khan dhibcahiisa Star Power-ka u aruursan laga soo bilaabo 1994 ilaa maantadan ee keydka Boxoffice India ku jiraan sare ayay usoo kaceen.

Weliba 4-sano ee ugu dambeesay Aamir Khan dhibcaha ugu sareeyo ayuu la imaayay midaasna waxay ka caawisay inuu haatan kaabiga soo saaro ama kusoo dhawaado dhibcaha ay heestaan Shah Rukh Khan iyo Salman Khan.

Kadib guushii Dangal, Aamir Khan haatan wuxuu heestaa 15,480-dhibcood waa dhibcahiisa guud (All Time Star Power) laga soo bilaabo 1994 ilaa 2016 dhibcaha uu aruursaday.

Shah Rukh Khan ayaa kaalinta kowaad ku jiro wuxuuna heestaa 17,705-dhibcood halka Salman Khan uu labadaan ku jiro asigoo heesto 16,045-dhibcood.

Fadlan hoos kaga bogo dhibcaha ay heestaan 7-atoore eel eh Star Power-ka filim ay ku gadi karaan kaligood xiligaan xogta shabakada Boxoffice India ku diiwaan gashan:

Fikradaha Akhristayaasha (10)

  1. New-king-AAMIR-KHAN says:

    Waxba u-ma dhina
    Is-la-filim-ka raja-hindustan
    Ayuu ku-dhaafi doonaa srk-iyo-sallu
    Sidaas-na wuxuu ku noqin toonaa

    @NEW_KING_OF_BOLLYWOOD

  2. qasaaye says:

    varun dhawan iyo ranbir kapoor aya super stars ka badali donan jada 3da khan date koda wu dhici dona kkkk

  3. Akshay kumar says:

    power star aniga waxaan arkay sidaan soo socoto marka filinside waxaan idinka codsanaa websatka aad kasoo xulateen in aad noo soo dirtaan aad baan ugu farax sanahay shaqada aad haaysiin
    1. Salman Khan 700 400 600 100 1800
    2. Aamir Khan 100 400 600 200 1300
    3. Shah Rukh Khan 500 400 0 150 1050
    4. Akshay Kumar 700 0 0 0 700
    5. Ajay Devgn 600 0 0 0 600
    6. Hrithik Roshan 300 200 0 0 500
    7. Ranbir Kapoor 300 0 0 0 300
    8. Varun Dhawan 300 0 0 0 300
    9. Ranveer Singh 200 0 0 50 250
    10. John Abraham 200 0 0 0 200

    • nabadoon says:

      hhhh qofka ay ugu qoran tahay akshay kumar sxb waxaad meesha kusoo xar xariiqday adigu xagee kasoo igatay filimside wayba noo sheegeen halka ay kasoo xigteen mida kale wax caqliga gali kara ayaa lasoo qoraa lkn waxaagu waa daahir yaa shamis looma cimaamadin walahi kkhhhhhh

  4. Akshay kumar says:

    bro wakanaay meesha aan ka arkay websatkaan gal aniga been waqtigeeyga kuma dhiminaayo
    http://www.koimoi.com/box-office/bollywood-box-office-power-index/

    • Aadan Muriidi says:

      sxb Koimoi shaqo kuma laho boxoficce-ka meeesh xaqiiqda laga helo si wablo waxa looga fahmi karo waa boxoffice India ee qoraalkaaga dadka haku qaldin

  5. Ayaan muuse says:

    Aadan waa runta koimoi Box offece india maaha anaa kugu raacsan

  6. Abdulkadir Aftaab says:

    next bower star IS Tiger shroff no more

  7. Da perfectionist says:

    Sxp ishq aamir khan uma tirsano miyaa




Featured Video