Rasmi: Filimka Mom Iyo Lacagaha Uu Gudaha Hindiya Kasoo Xareeyey Isniintiisa Koowaad

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Filimka  Srdevi ee  Mom ayaa sameeyay hoos u dhac  25% isniintiisa koowaad marka lala bar bar dhigo maaliintiisa koowaad Jimco.

Sida Shabakada Boxoffice  India xaqiijisay filimka  Mom isniintiisa koowaad wuxuu gudaha Hindiya kasoo xareeyay 2.25 Crore  midaas oo ka dhigan in  filimkaan uu  sameeyay ganacsi  wanaagsan maadaam uu ka dhow yahay lacagaha  uu keenay  maalintiisa koowaad.

Filim  Mom ayaa si wadan doona ganacsigiisa maal maha shaqada madaama  filimkaan aad loo soo dhaweeyay dadka waxay diyaar yihiin in ay daawadaan maal maha shaqada sidaa daradeed  filimka  Mom todabaadkiisa koowad wuxuu keeni doona 22 ilaa 23 Crore.

Mom  wuxuu ganacsi wanagsan ka sameynaaya Mumbai laakiin waqooyiga Hindiya filimkaan si weyn ganacsi ugama samaynaayo  sidaa daraadeed wuxuu saarnaan doona tiyaatarada 1 todabaad labo ama seddax laakiin kama sameyn doono  ganacsi heer sare ah.

WARAR DHEERAAD AH:

Fadlan hoos kaga bogo filimka iyo lacagaha uu gudaha Hindiya kasoo xareeyay 4 maalin.

Jimco – 3 Crore

Saturday  – 5 Crore

Sunday – 6.25 Crore

Monday – 2.25 Crore

Wadarta Guud- 16.50 Crore

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video