Rasmi: Filimka Tubelight Iyo Lacagaha Uu Soo Xareeyay Isbuuciisa 3-aad Dhulka Ayuu Sii Galay

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Mega Star Salman Khan filimka ka fashilmay ee Tubelight ayaa isbuuciisa 3-aad soo xareeyay lacago u dhow 1 Crore jimco ilaa isniin wuxuuna todabaadkiisa 3-aad uu keeni doona 1.25 Crore wuxuuna cimri ahaantiisa keeni doona 115 Crore.

Marka laga hadlaayo filimka Tubelight inta tikid u goosatay waa filimka ugu liitay ee Salman Khan sameeyo ka dib filimka Veer sidoo kale filimka Wanted oo la daawaday 2009 cimri ahaantiisa keenay 60 Crore ayaa ka badan inta tikid u goosatay filimka Tubelight.

Tubelight ganacsigiisa Mumbai wuxuu ku istaagi doona 33 Crore halka 25 Crore ka keeni doono Delhi /UP sidoo kale wuxuu 13.25 Crore ka keeni doona East Punjab waana meesha uu ka sameeyay ganacsigiisa ugu wanaagsanaa.

Fadlan hoos kaga bogo filimka Tubelight Iyo lacagaha uu soo xareeyay seddaxdiis isbuuc

WARAR DHEERAAD AH:

Todabaadka Koowaad – 102.57 Crore

Todabaadkan Labaad – 11,42 Crore

Isbuuc seddaxaad 85 Lakh ( Afar Maalin)

Wadarta Guud – 114.84

 

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video