Boman Irani Oo Ku Matali Doono Pawan Kalyan Awoowgiis Filimka Trivikram Srinivas

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Ka dib wada shaqeyntooda filimka Blockbuster weyn noqday ee Attarintiki DarediTelugu superstar Pawan Kalyan iyo Bollywood actor Boman Irani mar kale ayay wada shaqeyn doonan.

Filim sameeye  Trivikram Srinivas oo hori lawadaan jilaa isugu keenay filimkiisa Attarintiki Daredi, mar kale ayuu isku keenay labaadaan jilaa Boman Irani ayaa kusoo biiray mashruuca PK25.

WARAR DHEERAAD AH:

Pawan Kalyan haatan wuxuu ku mashquulsan yahay duubista filimkiisa aan magaca loo bixinin laakiin mashruuc ahaan loogu yeero PK25 ama Pawan Kalyan filimkiisa 25-aad.

Waxaa lagu soo daray mashruucaan oo duubistiisa socoto Boman Irani  oo Pawan Kalyan awoowgiisa ku matali doono waxaana sidoo kale la sheegay in Boman Irani uu bilaabay duubista filimka.

Wuxuuna qorshaha yahay in filimkaan la daawado bisha September ee sanadkaan aan ku guda jirno.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video