Maqaal: Salman Khan Oo Sanadkaan Is Dhaafiyay Darajo Kale Uu Dhanka Boxoffice-ka Ka Gaari Lahaa

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Mega Star Salman Khan filimkiisa Tubelight guul darada uu dhanka Boxoffice-ka kala kulmay wuxuu ka hor istaagay darajo kale oo uu dhanka Boxoffice-ka ka gaari lahaa.

Ka hor inta aan Tubelight tiyaatarada la saarin waxaa siweyn loo aaminsanaa in sanadkaan 2017 labada filim ee lacagaha ugu badan soo xareen doonaan (Top Two Boxoffice Net Grossers) inuu Salman Khan sameen doono madaama filimadiisa Tubelight iyo Tiger Zinda Hai lagu beegay xiliyada fasaxa ugu muhiimsan Eid iyo Christmas.

Laakiin Salman Khan darajada uu gaari lahaa haatan gacantiisa wey ka baxday madaama Tubelight lacag ahaan uuba dhaafi waayay filimka Raees!

Sidaa darteed Salman Khan sanadkaan ma sameyn doono ama lama imaan karo labada filim ee lacagaha ugu badan 2017 soo xareen karaan.

Horey Ma U Dhacday In Atoore Hal Sano Sameeyo Labada Filim Ee Lacagaha Ugu Badan Soo Xareeyeen?

Wey adag tahay in tahay in hal sano labada filim ee lacagaha ugu badan soo xareeyeen hal atoore sameeyo laakiin sidaas horey waa loo sameeyay, xitaa hal atoore ayaa sameeyay sedexda filim ee lacagaha ugu badan hal sanad soo xareeyeen.

Hadaba waxaan idiin heynaa atoorayaasha gaareen darajadaan dhibka badan ee hal sano la imaadeen labada filim ee lacagaha ugu badan soo xareeyeen:

Kaartada ama sawirka dhanka bidix waa filimka lacagaha ugu badan soo xareeyay (Left poster: No.1 Film – Highest Grosser of the Year – HGOTY).

Kaartada ama sawirka dhanka midig waa filimka labaad ee lacagaha ugu badan soo xareeyay (Right poster: No.2 Film – 2nd HGOTY):

WARAR DHEERAAD AH:

Iskoorada Xogta Sare Laga Soo Dhex Bixiyay:

Iskoor 1-aad: Kaliya Amitabh Bachchan (1978) iyo Salman Khan (1999) ayaa sameeyeen hal sano gudaheeda sedexda filim ee lacagaha ugu badan soo xareeyeen (Top 3 films of the year).

Amitabh sedexda filim ee uu sanadii 1978 sameeyay lacagaha ugu badana soo xareeyeen waa Muqadarka Sikander, Don iyo Trishul.

Salman Khan sedexda filim ee uu sanadii 1999 sameeyay lacagaha ugu badana soo xareeyeen waa Hum Saath Saath Hain, Biwi No.1 iyo Hum Dil De Chuke Sanam.

Iskoorka 2-aad: Shah Rukh Khan waa atooraha kaliya ee hal sano sameeyay labo filim oo All Time Blockbuster & Blockbuster noqdeen sidoo kalena lacagaha ugu badan soo xareeyeen.

SRK iskoorkaan wuxuu dhigay sanadii 1995 markii uu sameeyay Dilwale Dul Hania Lejeyange iyo Karan Arjun.

Iskoorka 3-aad: Salman Khan waa atooraha kaliya ee labo sano oo isku xigto sameeyo labada filim ee lacagaha ugu badan soo xareeyeen min sanad kasto sidaasna wuxuu sameeyay 2011 (Bodyguard & Ready), 2012 (Ek Tha Tiger & Dabangg 2)

Iskoorka 4-aad: Salman Khan waa atooraha kaliya ee 10-sano gudaheeda sameeyo sedex sano oo kala duwan labada filim ee lacagaha ugu badan soo xareeyeen min sanad kasto sidaasna wuxuu sameeyay 2011 (Bodyguard & Ready), 2012 (Ek Tha Tiger & Dabangg 2) iyo 2015 (Bajrangi Bhaijaan & PRDP)

Iskoorka 5-aad: Hrithik Roshan waa atooraha kaliya ee hal sano gudaheeda sameeyay filimka lacagaha ugu badan ebid soo xareeyay (ALL TIME GROSSER) iyo filim Blockbuster ah sidaasna wuxuu sameeyay sanadii 2006.

Dhoom 2 wuxuu noqday ALL TIME GROSSER micnaha filimka lacagaha ugu badan soo xareeyay ebid ee Hindiya sameeyeen sanadii 2006 wuxuuna iskoorkaas kala wareegay filimkii Gadar Ek Prem Katha oo mudo 5-sano ah ahaa filimka lacagaha ugu badan soo xareeyay, filimka kale ee Blockbuster-ka u noqday Hrithik wuxuu ahaa Krrish sanadii 2006.

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. Cabdirisaaq Cabdiraxmaan says:

    Salman Khan loo dhawaan kari maayo, waa atoore isku filan hubaal.




Featured Video