Rasmi: Salman Khan Oo Kooxda Cajaladaha Qeybiyaan Siin Doona Lacagaha Ay Ka Qasaareen Filimkiisa Tubelight

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Salman Khan filimkiiisa Tubelight oo tiyaatarada la saaray bisha June ee aan kasoo gudubnay Boxoffice-ka wuxuu ka sameeyay ganacsi liita.

Tubelight kooxda cajaladaha qeybiyaan way ku qasaareen laakiin waxaa faaido weyn ah ka helay kooxda filimka is ka leh oo ugu horeeyo Salman Khan.

WARAR DHEERAAD AH:

Sida aan hori idinla wadaagnay kooxda cajaladaha qeybiyaan waxay Salman Khan iyo aabahiisa la kulmeen sabtida aan soo dhaafnay weyna aqbaleen in kooxdaan lacagaha ay xasaareen dib loogu celiyo.

Kooxda cajaladaha qeybiyaan waxay filimka Tubelight xaquuqdiisa ku iibsadeen 132 Crore waxaana la sheegay qasaaraha ay kala kulmeen inuu yahay 55 ilaa 60 Crore waxaana u celin doona lacagahaas Salman Khan.

Salim Khan ayaana shabakada Mid-Day u sheegay ” marka kooxda cajalada qeybiyaan ay qasaaro weyn soo gaarto waa inuu kabaa maal galiyaha filimka una muujiyay ixtiraam anagana sidaas ayaa samaynaynaa waxaan kulan la qaadanay qaar ka mid ah kooxda cajaladaha qeybiyaan waana u celin doona lacagaha ay ka qasaareen filimka Tubelight”.

Sido kale hadaa ogeyn Shah Rukh Khan wuxuu kooxda cajaladaha qeybiyaan lacagaha ay qasaareen u celiyay ka dib filimkiisa Dilwale 2015.

Fikradaha Akhristayaasha (3)

  1. sharp says:

    geesi laba ma aha suldan sallu gesinimada waa waxan kugu tagero kaliga faaid dadka kalana ha khasaraan kuguma ogi

  2. Wadani says:

    Sxp suaal aan ku weydiiyee mawduuca salman khan iyo khasaarihiisa ayuu khuseeyaa maxaa Shah rukh khan usoo qaadatay?. Mise Shah rukh khan kaliya Ayaa Koox khasaartay lacag loo celiyo ugu horeeyay?.

    Mase jiraa shaqsi kale oo horey lacag ugu celoyey kooxaha khasaaray.?.

    Fadlan Sheekada ninka ay khuseyso uun ku daa. Hadaa leedahay Salmaan Khan arinkan oo kale waa lala qabaa oo dhibaato kaligis ah ma aha iyadana waa ujeedo kale.

  3. fadxi axmed ali says:

    Waxaan fahmi waayey filimkan tubelight ee salman khan atooraha ka yhy waxa awoowo u matalaaya odeygi Khan ee dhintey 2015 . filimkuna waa 2017 maxaa dhacey odeyga magicisa dhabta waa pure khan filimside.com IGA so jawaaba fadlan?!!!!




Featured Video