Business Update: Halkuu Maraaya Ganacsiga Filimada Mom Iyo Guest In London Gudaha Hindiya

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Filimka Mom ee Sridevi hogaamiyaha ka tahay ayaa hoos dhac sameeyanaaya todabaadkiisa labaad sida Boxoffice India soo daabacday filimka Mom 8-maalin gudaha Hinduya wuxuu ka keenay 24.50 crore (Trade Figure).

Filimka Mom sida uu ku socda todabaadkiisa labaad waxaa xili hore la qayaasay in filimkaan cimri ahaantiisa aanan gaari dooni 35 Crore.

WARAR DHEERAAD AH:

Filim Mom maanta oo sabti ah iyo bari axad ah waa maalin aan shaqo jirin wuu ka faaideysan karaa waxaana la arki doona ganacsiga uu sameeyo.

Dhinaca kale filimka shactirada ah ee Guest In London waa filim bur buray wuxuuna maalintiisa 8-aad gudaha Hindiya ka keenay 10 lakhs wuxuuna cimri ahaantiisa maraaya 8 crore (Trade Figure).

Sidoo kale filimka Hollywood-ka ah ee Spiderman Home-Coming wuxuu maalintiisa 9-aad gudaha Hindiya uu ka keenay 1.75 Crore halka cimri ahaantiisa uu gudaha Hindiya ka maraaya 57-58 Crore asigoo gudaha Hindiya ka noqday Hit dhameestiran.

Fikradaha Akhristayaasha (2)

  1. djlee amore says:

    sxp filimka mom intee lacag ah ayaa lagu sameeyay?

  2. ibraahin cabdilaahi says:

    filimka mom mala turjumay




Featured Video