Sanjay Dutt Oo Booqday Magaalada Varanasi Iyo Mudo 10-sano Kadib Iyo Sababta Uu Halkaas U Tagay

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

RAALI AHAADA WEB-KA CILAD GUUD AYAA KU JIRTAY BALSE HADA WAA LA BOOQAN KARAA

Super Star Sanjay Dutt ayaa la sheegay inuu tagi doono magaalada Varanasi oo ay inta badan dadka Hinduuga ah u tagaan arimo duco iyo diimeed la xariiro madaama ay tahay magaalo Hinduuga aaminsan yihiin inay tahay goob cibaado.

WARAR DHEERAAD AH:

Sanjay Dutt wuxuu Varanasi u tagayaa arimo shaqo asigoo halkaas ku duubi doono filimkiisa Malang waana markii ugu horeesay ee atoorahan tago halkaas mudo 10-sano kadib.

Filimka Malang waa jaceyl iyo qayaano isku jiro sheeko ahaan waxaana Director ka ah Aarambhh Singh waxaana si rasmi ah loo xaqiijiyay in Sanjay Dutt iyo kooxda Malang Varanasi tagi doonaan bisha August ee nagu soo fool leh halkaas shaqo rasmi ah ka bilaabi doonaan.

Sanjay Dutt labo todobaad ayuu Varanasi joogi doonaa si uu doorkiisa filimkaan u darso laakiin isaga iyo Aishwarya Rai Bachchan oo la jileyso Malang waxay duubistiisa si wadajir ah u bilaabi doonaa bisha December ee dhamaadka sanadkaan.

Malang wuxuu ku saabsan yahay haweenay askarta CBI ee dhanka dambi baarista qaabilsan ka tirsan iyo nin jaceyl doon ah waxa kala qabsan doono waxaana lagu duubi doonaa magaalooyinka Varanasi iyo Shimla.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video