Sheekada Filimka Jagga Jasoos: Waa Filim La Daawan Karo Bandhigoodana Wacan Yahay Ranbir Iyo Katrina

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

RAALI AHAADA WEB-KA CILAD GUUD AYAA KU JIRTAY BALSE HADA WAA LA BOOQAN KARAA

Ugu dambeyntii mudo sedex sano iyo bar oo shaqo laga haayay filimka Jagga Jasoos tiyaatarada ayaa la saaray waana filim hadal heyntiisa sareyso madaama ay hogaamiyaal ka yihiin lamaanihii hore Ranbir Kapoor iyo Katrina Kaif.

Jilaayaasha filimka Jagga Jasoos: Ranbir Kapoor, Katrina Kaif, Saswata Chatterjee, Sayani Gupta, Saurabh Shukla, Rajatava Dutta

Director: Anurag Basu

Muxuu Ku Wanaagsan Filimka Jagga Jasoos: sheekada filimka oo wanaagsan, bandhiga jilaayaasha iyo muusigasidiisa oo wacan.

Muxuu Ku Liitaa Filimka Jagga Jasoos: Waqti ahaan wuu dheer yahay iyo qaabka sheekada filimkaan mararka qaar loo dhigaayo oo adag in la fahmo.

Daawo Ama Ha Daawanin: Jagga Jasoos waa filim muusigisadiisa iyo bandhiga jilaayaasha ku raaxeesan doontid hadii aad daawatid hadii kale dhib kuma qabtid inuu ku seego filimkaan.

Fariinta Jagga Jasoos Xambaarsan Yahay: Jagga (Ranbir Kapoor) waa wiil agoonimo ku dhashay kuna bar baaray isbitaal, maalin maal maha ka mid ah nin lugta laga soo jebiyay ayaa la keenayaa isbitaalka Jagga ku nool yahay.

Ninkaan wuxuu marqaati ka ahaa kiiska ciidamada Purulia ku saabsan, ninkaan Jagga ayuu is barayaa asigoo sheeganayo magaca Tooty Footy kadibna wuu wadanaa asigoo korsonaayo.

Maalmo kadib Jagga waxaa la geenayaa hoyga kuleejada caruurta lagu xanaaneeyo waxna lagu baro laakiin halkaas markii la geeyo waaba la weynaa dib dambena xariir ulama yeelanayo ninkii soo bar baartiyay.

Jagga wuxuu kusoo bar baaraa kuleejada looga tagay, kadibna wuxuu bilaabaa inuu caawiyo booliska dambiyada baaraan asigoo kiisas kala duwan la xalinaayo.

Shruti (Katrina Kaif) waa macalimad caruurta kaga sheekeyso nolosha Jagga (Ranbir Kapoor) sidoo kalena Shruti sheekada nolosha Jagga saameyn weyn ayay ku laheyn kuna lahaan doontaa.

Jagga wuxuu ogaanaa in aabihiis Saswata Chatterjee (Professor Bagchi) la dilin balse la weysan yahay wuxuuna go’aan ku gaaraa inuu meel walbo dunida ka baadi goobo.

WARAR DHEERAAD AH:

Sidaa darteed Jagga oo garab ka helaayo Shruti waxay socdaal sirdoonnimo ku tagayaan dalal kala duwan asigoo rabo inuu ogaado halka aabihiis la geeyay iyo sababta mudada dheer loo heestay?

Maxaa Laga Yiri Fariinta Filimka Jagga Jasoos: Director Anurag Basu wuxuu doortay soo bandhigida fariin Bollywood-ka ku cusub habka uu sheekada Jagga Jasoos u dhigay kaliya filimkaan kama hadlaayo xiriirka aabo iyo wiilkiisa ka dhaxeeyo iyo sida ay isku heli karaan sidoo kale hab shactiro iyo sirdoon ayaa lagu dhex lifaaqay.

Waxyaabaha Jagga Jasoos loo daawan karo waxay tahay raadinta wiil aabihiis raadinayo asigoo dhibaato kala duwan u maraayo arinkaan hab shactiro iyo jah wareerna sheekada loo dhigay.

Katrina Kaif doorkeeda waa mid ay daawadayaasha ku wareerayaan waxaana la kala fahmi karin inay Jagga walaashiis tahay ama saaxiib la tahay, laakiin qofkii filimkaan dhameesto daawashadiisa aya fahmi karo.

Arinka kale ee lagu wareerayo waxay tahay goobaha kala duwan ee sheeko ahaan la tagaayo madaama daawadayaasha ku adkaaneyso inay fahmaan hadba meesha la tagaayo ee sheekada quseyso deegaan ahaan.

Bandhiga Ay Sameeyeen Jilaayaasha Filimka Jagga Jasoos:

Ranbir Kapoor iyo doorkiisa Jagga waxaaba loo maleeyaa wax la isugu tala galay, si qurux badan ayuu u matalay, fadlan u daawo filimkaan Ranbir dartiis wax kale ha u daawan Jagga Jasoos!

Katrina Kaif iyo doorkeeda macalimada Shruti waa mid iska wanaagsan waxayna bandhig ahaan qabatay shaqo dhexaad ka sareyso xoogaa laakiin doorkeeda ma ahan mid saameyn weyn u leh sida mida Ranbir oo kale.

Saswata Chatterjee iyo doorkiisa Professor Bagchi waa mid aad u wanagsan, Rajatava Chatterjee iyo doorkiisa booliska dambi baaraha ah waa mid xiiso badan halka Saurabh Shukla oo ah laadarka filimkaan isaga shaqo wacan uu qabtay door ahaan iyo bandhig ahaan.

Gunaanad: Director Anurag Basu shaqo wacan ayuu qabtay filimkaan ku saabsan jaajuusnimo, muusig iyo socdaalka safarada kala duwan wuxuuna ku amaanan yahay sheekada uu doortay.

Laakiin dhaliisha loo haayo waxay tahay in Jagga Jasoos si wanaagsan ku bilaabanayo sheeko ahaan laakiin qaybaha dhexe filimkaan dayacaad badan ayaa ka muuqato waxaana wanaagsaneyd in waqtiga uu soconaayo wax badan laga dhimo madaama dhamaadkiisa iyo bilawgiisa qaab ahaan filimkaan lagu raaxeesan karo daawashadiisa.

Jagga Jasoos waa mid ka mid ah bandhig ahaan filimada Ranbir Kapoor shaqo qurux badan ka qabtay loona daawan doono filimkaan madaxiisa.

Dhanka Boxoffice-ka filimkaan waa mid dadka reer magaalka loogu tala galay lagana daawan doono 5 ilaa 7-magaalo ee ugu weyn Hindiya hadii uu helo daawadayaal ku filan waa hubaal inuu ganacsi wacan sameyn doono.

Dadka filimada ka faaloodaan Jagga Jasoos sheekadiisa waxay ku qiimeeyeen 3.5/5 (Sedex xidig iyo bar) ayay siiyeen waana arin wanaagsan.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video