25 Years Of SRK: Habeenkii Uu Gauri La Jiiftay Goob Filim Lagu Duubo Iyo Inuusan Weli Deewana Daawanin!

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Shah Rukh Khan waa Boqorka Bollywood-ka sidoo kalena mudo 25-sano ah ayuu fanka Hindiya ka tirsan yahay asigoo maqaamkii ugu sareeyay gaaray.

Super Star-kaan magaciisa maanta dunida oo dhan ku baahay wuxuu soo maray marxalado adag madaama uu Bollywood-ka kusoo biiray asigoo wax garab ah heysanin.

Sidaa darteed SRK ayaa shaaca ka qaaday in xaalad adag ay soo martay weliba asigo iyo xaaskiisa Gauri Khan waxay habeenka aqal galkooda ku qaateen goob filimka lagu duubo oo hal qol laga siiyay si u jiiftaan!

King Khan ayaa sheegay maal mihii ugu horeeyay noloshooda asiga iyo Gauri Khan inay usoo amba baxeen magaalada Mumbai waxayna isaga soo tageen Delhi si ay shaqo ugu soo raadsadaan Mumbai oo ay barta ugu mashquulka badan Hindiya.

WARAR DHEERAAD AH:

SRK siweyn ayay xaaskiisa Gauri Khan u garab istaagtay waxayna u sheegtay habeenkii ay jiifteen goobta filimada lagu duubo ayagoo guri la’aan ah inay gaari doonaan heer ay ku noolaadaan guri boqortooyo noloshana heer sare ka gaari doonaan.

Midaasna wey dhacday madaama King Khan iyo boqoradiisa Gauri Khan maanta ku nool yihiin guriga qasriga ah ee xaafada Mannat magaalada Mumbai ku yaalo.

SRK wuxuu sidoo kale sheegay in filimkiisii Deewana uusan weli si toos ah u daawanin ama uusan tiyaatar ka daawanin min bilaaw ilaa dhamaad.

Wuxuuna sheegay markii Deewana soo baxay sidoo kalena guuleestay uu amaan lixaad leh ku helay mashquul dheeraad ahna uu dhexda ka galay.

King Khan wuxuu yiri “Weli Deewana asigoo dhameestiran ma daawanin waxaana ii diiday mashquul aan dhexda ka galay welina 25-sano kadib firaaqo uma helin inaan Deewana dib u daawado”

Fikradaha Akhristayaasha (3)

  1. Cabdirisaaq Cabdiraxmaan says:

    Guusha noloshu wataa.

  2. abdijabar says:

    Inaba cadi maha

  3. Tornado says:

    Walahi Gabadhaasi inay boqorad tahay ninkaan isagana dadaal uma yarayn caadi maaha waa famil kudayasho mudan king khan inuu Aabaha jaceyl yahay waxaad ku garan kartaa isfahamka isaga iyo boqoradiisa ka dhexeeya




Featured Video