Rasmi: Filimka Jagga Jasoos Iyo Maalintiisa Labaad Lacagaha Uu Keenay 30% Sare U Kac Ayuu Sameeyay

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Ranbir Kapoor iyo Katrina Kaif filimkooda tiyaatarada saaran Jagga Jasoos ayaa sare u kac 30% ah sameeyay maalintiisa labaad lacagaha uu keenay.

Sida shabakada Boxoffice India xaqiijisay Jagga Jasoos sabtigiisa kowaad wuxuu keenay 11 Crore (Trade Figure) wuxuuna ganacsiga ugu fiican ka sameeyay magaalooyinka waa weyn.

Jagga Jasoos tiyaataro kooban ayaa la saaray sidoo kalena Disney Studio iyaga ayaa filimkaan tiyaatarada saareen koox kale kuma aysan wareejin waana fikrad wanaagsan oo yareen karto in qasaaro lagala kulmo filimkaan.

Hadii kooxda cajaladaha qeybiyaan lagu wareejin lahaa ugu yaraan 2500 ilaa 3000 oo tiyaatar ayay Jagga Jasoos saari lahaayeen midaasna filimkaan fashil weyn ayay u keeni laheyd iyo qasaaro xoogan.

WARAR DHEERAAD AH:

Balse haatan kooxda iska leh ayaa tiyaatarada saareen waxayna xadideen tiyaatarada laga daawanayo oo aan ka badneyn 1500 oo tiyaatar waana siyaasas wanaagsan oo qasaarada yareen karto madaama uu yahay filim 5 ilaa 7-magaalo laga daawanayo.

Fadlan hoos kaga bogo filimka Jagga Jasoos lacagaha uu keenay labada maal mood ee ugu horeyso sida Boxoffice India soo daabacday:

Jimco – 8.25 Crore

Sabti – 11 Crore

Wadarta Guud – 19.25 Crore (Trade Figure)

Sabtigiisa kowaad ganacsiga uu sameeyay Jagga Jasoos waxay galisay rajo wanaagsan, sidaa darteed labada maalmood ee nagu soo fool leh muhiim ayay u tahay inuusan ganacsi ahaan hoos u dhac weyn sameynin madaama filimkaan uu yahay filim caruurta loogu tala galay ama daawanayaan.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video