10-ka Filim Ee Lacagaha Ugu Badan Sanadkaan Soo Xareeyeen Sedexda Maalmood Ee Ugu Horeyso

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Filimka Jagga Jasoos ayaa kaalinta 6-aad ka galay filimada Bollywood-ka ah ee sanadkaan la daawaday kuwooda lacagaha ugu badan gudaha Hindiya kasoo xareeyeen sedexda maalmood ee ugu horeyso.

Inkastoo Jagga Jasoos uu ahaa filim magaalooyinka waa weyn kaliya laga daawaday hadana sedexda maalmood ee ugu horeesay wuxuu ka lacag badiyay filimada goob walbo laga daawaday tiyaatarada badana la saaray sida Kaabil iyo Half Girlfriend.

Jagga Jasoos waa filimka tiyaatarada ugu yar laga daawaday 10-ka filim ee lacagaha ugu badan soo xareeyeen sedexda maalmood ee ugu horeyso sanadkaan waxaana laga daawaday 1750 tiyaatar halka inta kale midka ugu yar 2000 oo tiyaatar iyo ka badan laga daawaday.

5-ta filim ee ugu horeyso Bahubali – The Conclusion, Tubelight, Raees, Jolly LLB 2 iyo Badrinath Ki Dulhania waxay sedexdooda maalmood ee ugu horeyso soo xareeyeen lacago ka badan 40 Crore halka inta kalena ay xoogaa iska yara ag dhow yihiin.

Fadlan hoos kaga bogo 10-ka filim ee lacagaha ugu badan soo xareeyeen sanadkaan sedexda maalmood ee ugu horeyso:

1. Bahubali: The Conclusion – 127.28 Crore (ALL TIME RECORD) Qaybta Af Hindiga Lagu Daawaday

 

2. Tubelight – 61.53 Crore

 

3. Raees – 59.48 Crore

 

4. Jolly LLB 2 – 47.59 Crore

WARAR DHEERAAD AH:

 

5. Badrinath Ki Dulhania – 41.88 Crore

 

6. Jagga Jasoos – 31.75 Crore Qiyaasta xili hore

 

7. Kaabil – 30.65 Crore

 

8. Half Girlfriend – 28.87 Crore

 

9. Sachin – A Billion Dreams – 24.23 Crore

 

10. Naam Shabana – 17.93 Crore

F.G: Xogta sare shabakada Boxoffice India ayaa soo daabacday oo aan kasoo xiganay……..

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. Qalbi holcay Qalbi holcay says:

    Sxb aawey filmki Hindi medium




Featured Video