16-Shaqsi Oo Caan Ah Kana Tirsan Bollywood-ka Da’doodana Sare U Dhaaftay 40-Sano Balse Aan Weli Guursanin

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Bollywood-ka waa goob ay ku mideesan yihiin xirfadlayaal kala duwan sidoo kalena magac ku leh daafaha caalamka aadna loo jecel yahay badankooda.

Balse waxaan idiin heynaa 16-shaqsi oo Bollywood-ka ka tirsan kuwaas oo da’dooda 40-sano sare u dhaaftay hadana aan waligood guursanin.

Fadlan hoos kaga bogo qaybta kowaad 16-ka shaqsi ee Bollywood-ka ka tirsan kuwood aan weli lamaane rasmi ah sameysanin:

Ekta kapoor: Gabadhaan filim soo saaraha ah sidoo kalena madax u ah shirkada Balaji Motion Pictures waxaa aabo u ah Super Star Jeetendra halka Tusshar Kapoor ay sidoo kale walaalo yihiin.

Image result for ekta kapoor

Balse Eka Kapoor oo 41-sano sare u dhaaftay weli si rasmi ah uma aysan guursanin noloshana mudo dheer kali ayay ku ahayd.

Amisha Patel: Atirishadaan bilawgii qarnigaan Bollywood-k kusoo biirtay magac weyn wey yeelatay hadana xidigtaan 40-sano jirka ah weli waa gabadha doobka ah ee ugu caansan Bollywood-ka hadana aan la guursanin.

Image result for Amisha Patel

Uday Chopra: waa jilaa iyo filim soo saare kana tirsan qoyska awooda badan Chopra Family hadana weli ma uusan guursanin inkastoo da’diisa 43-sano sare u dhaaftay.

Image result for Uday Chopra

Uday sanadihii ugu dambeeyay wuxuu xiriir jaceyl la wadaagay Nargis Fakhri hadana weli guur ma aysan ku heshiinin isagana weli waa doob.

WARAR DHEERAAD AH:

Tabu: Qof u maleeyo ma jirto in Tabu 45-sano jir tahay hadana quruxleydaan 24-sano ka badan fanka Hindiya ka tirsan weli ma aysan helin qofkii calafkeeda noqon lahaa.

Image result for tabu

Rahul Khanna: Waa curudka Super Star Vinod Khanna oo dhawaan geeriyooday, sidoo kalena Rahul waa jilaa soo jiidasho badan hadana weli jagada doobnimo ma uusan iska wareejin noloshana kali ayuu ku yahay.

Image result for Rahul Khanna

Manish Malhotra: Waa naqshadeeye caan ah marwalbana diyaariyo labiska jilaayaasha rag iyo dumar marka ay filimada jilayaan ama shaqada Fashion-ka ku guda jiraan, hadana weli Manish Malhotra ma uusan guursanin inkastoo 50-sano da’diisa gaartay!

Image result for Manish Malhotra

Karan Johar : Waa filim sameeye iyo soo saare awood badan qof walbana saaxiib la ah laakiin wuxuu ku guul dareestay inuu nolol gaar ah sameysto.

Karan oo 45-sano sii caga cageenayo dhawaan labo caruur oo mataano ah ayuu aabo u noqday waxaana loogu dhalay bacramis nidaamka surrogacy ee ah in haweenay aan si sharci ah lagu guursanin ka qayb qaadato bacriminta iyo uur ku qaadista iyo dhalista ubad ay ku qaadatay lacag oo kaliya dhalmadooda.

Rahul Bose: Jilaagaan door walbo sameyn karo sidoo kalena aan la buun buuninin mudo dheer ayuu Bollywood-ka ka tirsan yahay, balse weli waa doob asigoo haatan da’diisa sii caga cageeneyso 49-sano.

Image result for rahul bose

La Soco Qaybta Labaad Maqaalkaan……….

Fikradaha Akhristayaasha (5)

  1. bile sharif says:

    Sakariye sxb filmkii tubelight ee sallu xagee Ku danbeeya markii tiyaatarada lasaarey baa qadku naga go ayaye fadlan aqbaar naga siiya

  2. Wadani says:

    Doobka ugu wayn ma qaybaha xiga ayaa u dhigteen. Mr salman khan isaga ayaa ugu da’ weyn dhamaan inta aan guursanin 52jir aan guursanin Bollywoodkaba lagama helaayo

  3. luqman says:

    zakariye side below average kunoqday qasaraba lagala kulmaye mise filim u wado salman khan floop xagina kama noqdo oo wad kala xishonaysan runta mad kashegtan floop wayn ayu noqdaye

    • Zakarie Abdi says:

      Walaalkeen Below Average ayaaba qasaaro ah, micnaha filimka marka 50% qasaaro lagala kulmo ayuu Flop yahay halka qasaarada marka ay 50% ka yar tahay Below Average yahay sidaa darteed Tubelight qasaaro 43% ayaa gudaha Hindiya kooxda cajaladaha qeybiyeen kala kulmeen.
      Mida kalena Boxoffice India ayaa ku tilmaantay Below Average ee anaga kuma tilmaamin, caadifad yeysan ku qaadin wixii lasoo tabiyo ayaan soo gudbinaa halka kaliya ee aan natiijadana kasoo xigana waa Boxoffice India.




Featured Video