Arjun Kapoor “La Shaqeynta Anil Kapoor Waa Riyo Ii Rumowday”

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Arjun Kapoor wuxuu adeerkiisa Anil Kapoor lasoo wadaa filimka Mubarakan oo la daawan doono 28-ka bishan July waa filim shactiro, jaceyl iyo arimaha qoyska isku jiro ah.

Hadaba Arjun Kapoor ayaa amaan kala dul dhacay adeerkiisa Anil Kapoor oo ay markii ugu horeesay filim kasoo wada muuqanayaan.

WARAR DHEERAAD AH:

Arjun wuxuu yiri “Waxaan kusoo bar baaray daawashada filimada adeerkey Anil, sidaa darteed jilaa ahaan inaan la shaqeeyo mudane Anil waa riyo ii rumowday”

“Ma hubin inaan Anil la shaqeen karo laakiin fursadaas waxaa inoo abuuray Director Aneez Bazmee oo nala wadaagay sheekada filimka Mubarakadan oo labadeena inuu qalanto”

Filimka Mubarakan Arjun Kapoor wuxuu ku matalaa labo waji sidoo kalena atirishooyinka Athiya Shetty iyo Ileana D’Cruz ayaa doorar muhiim ah ku leh.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video