Maqaal Siduu Filim Hit Dhameestiran Ku Noqon Karaa Qaybta 1-aad?

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Hordhac:

Aqristayaal Natiijada Boxoffice-ka marka filim la saaro waxay ku xiran tahay ganacsiga uu tiyaatarada ka sameeyo ee kuma xirno ganacsiga uu sameeyay ama lacagaha laga helay ka hor inta aan tiyaatarada la saarin.

Waxaa jiraan labo hab oo filimka natiijadiia lagu sameeyo, midi waxaa lagu saleeyaa ganacsiga uu gudaha filim ka sameeyo mida kalena waxaa lagu saleeyaa ganacsiga uu filim suuqyada caalamka ka sameeyo.

Ganacsiga kala duwan ee filim sameeyo iyo daqliyadiisa kala duwan la iskuma daro si natiijado rasmi ah filim loo siiyo, ee ganacsiyada kala duwan waa la kala saar saaraa.

Siduu Filim Hit Ku Noqon Jiray 60-maadkii Iyo 70-maadkii:

Bilawgii 60-maadkii iyo 70-maadkii marka filim weyn soo baxo waxay kooxda cajaladaha qeybiyaan ku iibsan jireen 60 Lakh (6-milyan oo Rupees) ugu badnaan isku darka dhamaan gobolada Hindiya ee kala duwan.

Marka lacagaha ay ku iibsadeen kooxda cajaladaha qeybiyaan dib ugu soo laabato lacagaha dheeriga waxaa wax laga siin jiray kooxda filima maal galisay oo saami ku yeelan jirtay marka faa’iidada bilaabato.

WARAR DHEERAAD AH:

Sidaa darteed xiliyadii 60-maadkii iyo 70-maadkii filim wuxuu Hit dhameestiran noqon karay marka uu tiyaatarada ka keeno 2 Crore.

Hadii filim weyn lagu iibsado 60 Lakh marka uu keeno 1.20 Crore (60 Lakh + 60 Lakh) waa Average sidaa darteed marka uu 60 Lakh kale uu ku darsado waxaa bilaabaneyso faa’iido waana marka kooxda cajaladaha iibsadeen saamiga ay wax ka siin jireen kuwa filimada iska leh.

Sidoo kalena xiligaas filim wuxuu Blockbuster ku noqon karay marka 3.50 Crore uu Boxoffice-ka kasoo xareeyo.

Inkastoo xiligaas qiimaha filim lagu iibsanaayo uu hooseeyay hadana si uu lacagtaas usoo celiyo waqti dheer ayuu u baahnaa ku dhawaad 25-isbuuc inuu tiyaatarada saarnaado waxaana filimada waa weyn la saari jiray 20 ilaa 30-tiyaatar.

Waxaana mararka qaar dhici jirtay in gobolada fog fog filimka cusub laga daawado hal sano kadib marka uu soo baxay!

Aas aaska wuxuu ahaan jiray soo saaraha filimka in lacagtiisa heli karo marka filimka uu iska iibiyo qayb ka mid ah ayaa loo celin jiray ama lacagta guud ee qarash ahaan kaga baxday ayay kooxda cajaladaha qeybiyaan u celin jireen, kadibna waxay soo saarayaasha sugi jireen sida daawadayaasha filimkooda usoo dhaweeyaan ama u diidaan.

Sidaa darteed faa’iido in la helo labada dhinac waqti dheer ayay qaadan jirtay, waxayna ahayd xiligaas in halista filim qasaaro lagala kulmi karo inay yareed sidoo kalena 90% soo saarayaasha lacagtooda wey usoo laaban jirtay waa hadii miisaaniyada filimka ahayn mid waali ah sidoo kalena gobolada oo dhan laga diidin filimkaas.

Tusaale filimada miisaaniyad xoogan lagu sameeyay diidmo buuxdana gobolada Hindiya kala kulmeen kuwooda ugu caansan 60-maadkii iyo 70-maadkii waxaa ka mid ah Amrapali, Mera Naam Joker iyo Reshma Aur Shera.

La Soco Qaybta Labaad Maqaalkaan Xogta Naga Qarsoon Xambaarsan….

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video