Rasmi: Filimka Jagga Jasoos Iyo Sedexdiisa Maalmood Ee Ugu Horeesay Lacagaha Uu Keenay

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Ranbir Kapoor iyo Katrina Kaif filimkooda Jagga Jasoos ayaa ganacsi dhex dhexaad ah sameeyay sedexdiisa maalmood ee ugu horeesay madaama uu keenay 31.75 Crore (Trade Figure) sida shabakada Boxoffice India soo daabacday.

Jagga Jasoos mudo sedex sano ah ayay shaqadiisa socotay inuu sedexdiisa maalmood ee ugu horeyso 30 Crore ka badan keeno waa arin wanaagsan laakiin labo xidig ayaa hogaamiye ka ah lacago qaali ahna waa lagu sameeyay marka dhankaas laga eego ganacsigiisa ma wanaagsano.

Fadlan hoos kaga bogo Jagga Jasoos sedexdiisa maalmood ee ugu horeesay lacagaha uu keenay:

Jimco – 8.25 Crore (Qiyaas)

WARAR DHEERAAD AH:

Sabti – 11 Crore (Qiyaas)

Axad – 12.50 Crore (Qiyaas)

Wadarta Guud – 31.75 Crore (Trade Figure) Qiyaasta xili hore

Jagga Jasoos waa filim magaalooyin waa weyn laga daawanayo caruurtana ay xiiseenayaan balse labadiisa maalmood ee ugu dambeesay qoysaska ayaa siweyn ugu soo daawasho tageen haatana waxaa walaac laga qabaa maal maha shaqada inuu hoos u dhac weyn sameeyo.

Waxaa fiicneyn in Axadiisa kowaad uu 14 Crore keeno balse midaas ma dhicin hadana waxaa laga rabaa in Isniintiisa kowaad uusan hoos u dhac 50% ka badan uusan sameynin hadii kale ganacsigiisa masii socon doono.

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. ramala says:

    sakariye film ka 35 croor ayuu Kenney wabsetada Dhan wether it’s Bollywood life or pinkvilla or India box office se wax u jiran




Featured Video