SHOCKING: Sanjay Dutt, Ka Dib Ajey Devgan Oo Isaga Baxay Filimka Total Dhamaal

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Waxaa 2007 la daawaday filimka shactirada ah ee Dhamaal oo hogaamiyaal ka ahaayeen Sanjay Dutt, Ritesh Deshmukh, Arshad Warsi iyo jilaayaal kale kaasi oo Boxoffice-ka guul wacan ka gaaray

Ka dib filim sameeye Indra Kumar wuxuu 2011 la imaaday Dhamaal qeybtiisa labaad ee Double Dhamaal, sidoo kale Boxiffice-ka guul wacan ka gaaray.

WARAR DHEERAAD AH:

Maadaama labada qeyb oo hori guulo wacan gaareen kooxda filimkaan ayaa ku guda jira sameynta qeybta seddaxaad ee taxanahaam shactirada oo loo bixiyay Total Dhamaal.

Waxaana Total Dhamaal hori loo shaaciyay inay wada sameyn doonan Sanjay Dutt, Anil Kapoor iyo Ajay Devgn laakiin maal mooyin ka dib waxaa filimka isaga baxay Sanjay Dutt maadaama caruurtiisa aanan doonaynin in aabahood ku arkaan filim shactiro ah asigoo weyn.

Sidaa daraadeed waxaa mashruuca la wareegay Ajay Devgn oo kula wehlin doona Anil Kapoor, Ajay oo filimkaan saxiixday ayaa asigana maanta la shaaciyay inuu isaga baxay filimka Total Dhamaal.

Waxaan haatan mashruuc filimkaan kusoo haray Anil Kapoor, maadaama isaga baxeen Ajay Devgn Iyo Sanaj Dutt inkastoo la xaqiijinin warbaxinta Ajay laakiin waa sida saxaafada hadal heyso.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video