Telugu Star Ravi Teja Oo La Sheegay Inuu Kiis Daroogo Ku Lug Leeyahay Iyo Jawaabta Ay Hooyadiis Ka Bixisay

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Telugu Star Raji Teja ayaa la sheegay inuu ku lug leeyahay kiis daroogo oo siweyn u saameeyay fanka Tollywood haatana jilaayaal badan baaritaan lagu haayo.

Dhawaan booliska magaalada Hyderabad waxay gacanta ku dhigeen tuuga weyn ee ka ganacsado daroogada Calvin Fernandes markii la wareestana wuxuu sheegay in jilaayaal reer Telugu ah qayb ka yihiin shabaka daroogada la isku dhaafsado!

WARAR DHEERAAD AH:

Baaritaan weyn ayaa lagu sameyn doonaa jilaayaasha Tollywood ee kiiskan la sheegay inay ku lug leeyihiin weliba filim sameeyayaal iyo kuwa muusigada sameeyaan ayaa qayb ka ah waxaaana saldhiga Hyderabad lagu wareesan doonaa jilaayaal kala duwan oo aan magacyadooda la shaacin inta u dhaxeyso 19-ka ilaa 25-ka bishan July.

Hadaba Ravi Teja, Puri Jagannadh iyo Charmeen ayay saxaafada Hyderabad sheegtay inay ku jiraan jilaayaasha saldhiga loogu yeeri doono.

Laakiin Ravi Teja arinkaan kama hadlin waxaase ka hadashay hooyadiisa waxayna ka dhawaajisay in wiilkeeda sigaar xitaa uusan cabin macquulka ahayn inuu arimo daroogo ku lug yeesho.

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. Tornado says:

    RAVI TEJA waa jilaa aan aad u taageero, oo jiliin wanaagsan
    Waxaan rajaynaa inay arintaasi been noqoto




Featured Video