Xasuus Horre: Hrithik Roshan Iyo Kareena Kapoor Marka Ay Maalinta Kowaad Duubista Filimka Kaho Naa…Pyaar Hai

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Waxay ahayd 12-kii June 1998 markii Hrithik Roshan iyo Kareena Kapoor oo fanka Hindiya ku cusub ay soo wada xaadireen maalinta kowaad duubista filimka Kaho Naa…Pyaar Hai.

Mudo 10-maalmood gudaheeda waxaa lagu dhisay goob weyn oo loogu tala galay duubista filimka Kaho Naa…Pyaar Hai waxaana goobtaan laga sameeyay xaafada Convent Villa ee Mumbai ku taalo.

Rakesh Roshan oo filimka Kaho Naa…Pyaar Hai soo saare iyo Director ka ah ayaa isugu yeeray dhamaan shaqaalaha filimkaan Hrithik, Kareena, Farida Jalal, Satish Shah, master Abhishek, Vrajesh Hirjee iyo Ashish Vidyarthi si ay ugu dabaal dagaan in shaqada filimkaan wax walbo loo diyaariyay hawshiisana noqon doonto mid aan kala joogsi laheyn.

Laakiin qoyska reer Roshan waxay ku noqotay lama filaan markii Kareena Kapoor ay isaga baxday filimka Kaho Naa…Pyaar Hai ayadoo sabab la’aan mashruucaan isaga baxday!

WARAR DHEERAAD AH:

Rakesh Roshan wuxuu la hadlay Kareena hooyadeed iyo walaasheed ka weyn Babita iyo Karishma Kapoor mana aysan u sheegin wax uu ku qanco madaama markii hore uu diyaariyay sheekada filimkaan asigoo Kareena niyada ku haayo.

Kadib Rakesh Roshan waxay ku qaadatay labo todobaad inuu baadi goobo atirisho Hrithik la sameyso waxaana dib u dhac ku yimid jadwalka duubista filimkaan.

Ugu dambeyntii Rakesh Roshan wuxuu helay Ameesha Patel oo shuruud la’aan aqbashay sameynta filimka Kaho Naa…Pyaar Hai iyo Hrithik Roshan inay lasoo caan baxdo.

Kaho Naa…Pyaar Hai shaqadiisa waxaa la dhameestiray dhamaadkii 1999 kadib waxaa loo sameeyay xayeysiin balaaran waxaana tiyaatarada la saaray 14-kii Janaayo 2000.

Kaho Naa…Pyaar Hai wuxuu noqday Blockbuster-kii ugu weynaa sanadii 2000 sidoo kalena wuxuu noqday filim Classic ah oo ilaa haatan Bollywood-ka ku faanaan.

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. maxamed haadi says:

    reer rokshan waxey diyaar sadeyn mash ruuc kii ugu weyna wuuna guuleystay waa qoys guulo




Featured Video