Madadaalada Maanta: Juxaa Iyo Sheekadii Xikmadeysneed Waa Sheeko Qosol Badan (Funny Time)!!

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

 

Kusoo Dhowaada aqristayaashena sharafta lahaaw barnaamijkeenii Madadaalada Maanta oo aan aalaba halkaan idiin kaga soo jeedino maalin walba oo jimco ah.

Waxaan ka cudur daaranena isbuucyadii udambeyay oo aan barnaamijkaan dib udhac ugu yimid, hadaba markaana waxaan idin soo gudbineena sheeko kusaabsan ninka lawada yaqaano ee Juxa.

Juxaa ayaa barii safar galay wuxu dulsaarna dameerkiisa wuxuuna sitay sahaydiisa ama cunadii iyo cabistii ee jidmarka  u aheyd.

Hadaba Juxaa oo caan ka ahaa deegaankisa nin magac iyo ciso weyna kulahaa ayaa damcay inuu jidka dhexdiisa raashiin kucuno maadama uu aad u baahday.

Juxaa wuxuu kasoo dagay dameerkiisa uu saarna wuxuuna lasoo baxay raashiinkii, nasiib daro nin kamid ahaa Raggi degennaa deegaanka ayaa goobta kusoo maray Juxaa oo jidka dhexdiisa raashiin kucunaaya.

WARAR DHEERAAD AH:

Ninkii ayaa Juxaa weydiyay sababta ku kaliftay in uu wadada wax kucuno asigoo ah shaqsi magac leh sido kalena uu ushegay bal kawaran hadii ay dad kugu soo maraan adigo raashin ucaanayo.

Juxaa halkii laga rabay inuu walwalo ayuu iska sii watay cunistiisa wuxuuna ku yiri aaway dadka aad sheegeyso.

Ninki aya kuyiri waa kuwaan ee halkaa kasoo muuqdo, juxaa ayaa yiri waxaani ma aha dad ee Lo’ ma dadbaa mooda markaasu u yeeray Juxaa dadkii oo uu uwada dhawaaqay.

Markaa aye halmar soo wada xoomeyn Juxaa waa shaqsi Xikmad badan intii ay dadka imaanin ayuu ninkii kuyiri maku tusaa inee Lo’yihiin oo aysan Dad aheyn.

Dadkii markee u yimaadeyn ayuu inbadan u qudbeeyay asigoo dhanka diinta iyo dhan walbaba kala hadlay wuxuuna ugu dambeyn yiri qofkii doonaya aaqiro iyo aduun inuu liibano abaaraha ka baxo sido kalena camal wanaagsan iyo ajar fiicana helo raba qof walba ha isku dayo inuu carabkiisa foodiisa inuu soo taabsiyo sanka.

Micnaha qofwalba ha isku dayo inuu carabkiisa taabsiiyo sankiisa, Juxaa inta badan dadka wuxuu sheego wey rumeysan jireyn sidii ayeena dadkii halmar wada bilaaweyn nin walba inuu sankiisa soo taabsiyo carabkiisa oo carabka inte soo bixiyaan aye sanka la raadinayen.Juxaa intuu ninkii eegay ayuu ku yiri,” Haye Ma Aragtaa              Inee Lo’ Yihiin Oo Aysan Dad Aheyn”

 

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. SUKRA says:

    Shakadan wan ka Haley qof walbo waxaan wanagSan in uu kontarolo arabkisa walalahay idin kana wad mahadsantihiin madamaad shhekoyinka nosodaysan




Featured Video