Anushka Sharma “Fikrad Ahaanteyda SRK Mikrafoon Xitaa Jaceyl Wuu Ku Abuuri Karaa!”

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Anushka Sharma waxay SRK lasoo wadaa filimka la wada sugaayo Jab Harry Met Sejal oo la daawan doono 4-ta bisha August ee nagu soo fool leh.

Anushka Sharma ayaa sheegtay inay u sahlaneyd jaceyl la sameynta SRK madaama Super Star-kaan uu jaceyl ka sameesan yahay.

WARAR DHEERAAD AH:

Anushka Sharma waxay tiri “Aadban iigu sahlaneyd inaan SRK jaceyl la wadaago, hibo gaar ah ayaa indhihiisa saaran, fikrad ahaanteyda SRK xitaa mikrafoon ayuu jaceyl galin karaa ama ku abuuri karaa!”

SRK ayaa hadalka Anushka Sharma ka aamusi waayay madaama ay ku wada sugnaayeen goobta lagu soo bandhigaayay heeska “Hawayeina” ee filimka Jab Harry Met Sejal ku jirto.

Wuxuuna yiri “Marka aad adiga gacanta ku heysid mikrafoonka ayaan jaceyl ku abuuri karaa, gacaliso!”

Filimka Jab Harry Met Sejal waxaa Director ka ah Imtiaz Ali waana filim jaceyl ah oo lagu kalsoon yahay inuu Boxoffice-ka ganacsi wacan ka sameyn karo madaama heesihiisa ay wada gadmeen sidoo kalena goos gooskiisa siweyn loo soo dhaweeyay.

Fikradaha Akhristayaasha (10)

  1. nuur cabdi kariim qalinle says:

    Mikrafoonka qalbi miyuu leeyahay naagtaa aqlixumadeeda waxay kuhadasho ayee weysay waa bilaa caqli

  2. srk says:

    mya ee waxey u hadashay kabad badis iyo waxey rabta ina srk ku weyneyso

  3. Farhan khan says:

    Hadalka ujeedka uu Ku nisbeesanyahay hadaadan aqoon waa la iska aamusaa ee doqonimo looma hadlo ilmaha qaar waa iska hadlayaan…….axyaaaaa maxaa caruurnimo idinku danbeesay

  4. muusaa baay says:

    Ninkan wax kasta ayuu suurta galin karaa srk

    • nuur cabdi kariim qalinle says:

      Hhhh alle maxoolumiyay somali badan xaaraanka wax waluba woo sameenkaraa bal adiga hakule heeso unlike mrakaas aqoosanayaa hadalkaada hhh

  5. Ismail Aamir says:

    waar waa kalmad sarbeeb ah
    Miydaan fahmayn
    Sodinka soomali ah
    Mac naha #buunbuunisbaa
    LA dhahaa

  6. Moha a.k says:

    Wa king of Bollywood ninkan srk cadi ma ahan

  7. sxpka srk says:

    srk wax kasta macquul buu ka dhigayaa

  8. srk says:

    srk inabo caadi ma ahan waa aabaha jeceylka

  9. srk says:

    hada ka hor deepika podukone ayaa wexee itiri srk haduu xaasle ahaan leheed gabdhaha wadankena dhan wee isku dili lahaayeen




Featured Video