Sunny Deol Oo Beeniyay Inuu Sunny Leone Ka Saaray Filimkiisa Bhaiyyaji Superhitt!

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Super Star Sunny Deol ayaa wax kama jiraan ku tilmaamay wararka sheegayo in atirishada Sunny Leone uu ka saaray Bhaiyyaji Superhitt.

Qaar ka mid ah warbaahinta Hindiya ayaa daabaceen dhawaan in Sunny Deol uu kooxda filimka Bhaiyyaji Superhitt ka diiday inuu atirishada Sunny Leone hees la qaado ama muuqaal ku yeelato filimkaan.

WARAR DHEERAAD AH:

Waxaa la sheegay in Sunny Deol uusan ka helin Sunny Leone madaama ay tahay atirisho jirkeeda banaanka soo dhigto sidoo kalena shacab weynaha Hindiya badankooda jecleen ficiladeeda qawaananaanta u badan.

Sunny Deol ayaa si rasmi ah sheekadan kaga hadlay wuxuuna yiri “Dadka waxay rabaan ayay iska dhahaan maal mahan, Aniga kumaan ahay marka aan qof u diidayo filimka Bhaiyyaji Superhitt?”

“Ma anigaa soo saare ka ah filimka? Waligey ma fara galinin filimadeyda, waxaan door bidaa inaan muran walbo ka fogaado sidoo kalena aan u jawaab celin saxaafada wax walbo iska qorto”

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video