Boxoffice Update: Filimka Mubakaran Oo Si Hoose Ku Furmay Subaxaan

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Filimka weyn Mubarakan ayaa si hoose ku furmay subaxaan xiliga Hindiya asigoo ku bilaawday 15% ilaa 20% wuxuuna ku bilaabasho noqday filimka Munna Michael ee todobaadkii hore tiyaatarada la saaray.

WARAR DHEERAAD AH:

Mubakaran rajada laga qabo wuxuu yahay filim qoysaska loogu tala galay sidoo kalena in mudo ah lama daawanin filim shactiro dhameestiran leh taasi waxay sababi kartaa maanta gelinka dambe inuu sare u kaco ama maal maha sabtiga iyo axada qoysas badan usoo daawasho tagaan.

Mubakaran wuxuu ku wanaagsan yahay subaxaan tiyaatarada daqliga fiican laga helo Multiplex ee magaalooyinka waa weyn ku yaaliin midaasna waxay ka dhigan tahay inuu maalinta kowaad Munna Michael ka lacag badnaan doono madaama Munna Michael ku wanaagsanaa tiyaatarada Single Screens ee aan daqliga badan laga helin.

Waxaan wada sugnaa Mubarakan bilaabashadiisa aan wanaagsaneyn inuu kusii socon doono ama isbadal la imaaan doono maanta gelinka dambe madaama labadii todobaad ee ugu dambeeyeen filimada sida hoose ku furmeen Jagga Jasoos iyo Munna Michael guul dareesteen.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video