Rasmi: Filimka Lipstick Under My Burkha Iyo Todobaadkiisa Kowaad Lacagaha Uu Keenay

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Filimka iska yar Lipstick Under My Burkha ayaa ganacsi lama filaan oo heer sare ah sameeyay todobaadkiisa kowaad wuxuuna noqday filim guuleestay!

Sida shabakada Boxoffice India xaqiijisay Lipstick Under My Burkha wuxuu todobaadkiisa kowaad keenay 10 Crore (Trade Figure) sababta uu u guuleestay waxay tahay in 6 Crore lagu qarash gareeyay tiyaataradana lagu saaray.

WARAR DHEERAAD AH:

Lipstick Under My Burkha wuxuu noqon karaa si la yaab leh Hit dhameestiran hadii todobaadkiisa labaad uusan hoos u dhac weyn sameynin.

Waxaana lagu kalsoon yahay maalintiisa 8-aad inuu ka ganacsi wanaagsanaan doono filimka weyn Munna Michael ee guul dareestay.

Dhinaca kale filimka Hollywood-ka ah Dunkirk ayaa todobaadkiisa kowaad gudaha Hindiya ka keenay 16.75 Crore (Trade Figure) waana ganacsi iska dhex dhexaad ah.

Dunkirk sedexdiisa maalmood ee ugu horeesay ayuu ganacsigiisa wacnaa kadib hoos u dhac balaaran ayuu sameyay maal maha shaqada waana filim luqada Ingiriiska oo kaliya lagu daawaday midaas ayaa sababtay in ganacsigiisa uu xadid naado waana siyaasad qaldaneyn ee qaateen kooxda xuquuqda cajaladaha Dunkirk soo iibsadeen.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video