Rasmi: Filimka Munna Michael Iyo Todobaadkiisa Kowaad Lacagaha Uu Keenay

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Tiger Shroff filimkiisa Munna Michael ayaa ganacsi liito sameeyay todobaadkiisa kowaad wuxuuna keenay 31 Crore (Trade Figure) sida shabakada Boxoffice India soo daabacday.

WARAR DHEERAAD AH:

Munna Michael maal maha shaqada wuxuu sameeyay hoos u dhac aad u weyn inkastoo maalintii Axada kaliya uu ganacsi fiican sameeyay.

Munna Michael ganacsigiisa ugu fiican wuxuu ka sameeyay tiyaatarada loo yaqaan Single Screens laakiin daqli badan tiyaataradan lagama helo madaama tikit-ka qiimo jaban lagu daawado marka lala bar bar dhigo tiyaatarada Multiplex loo yaqaan oo ay dadka dabaqada sare u daawasho tagaan.

Munna Micheal todobaadkiisa labaad ganacsi dheeri ah ma sameyn karo madaama filimka Mubarakan tiyaatarada badankooda kala wareegay wuxuuna Munna Michael cimri ahaantiisa ku istaagi doonaa 35 Crore waana mashruuc guul dareestay oo Flop ah.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video